Kaptanka Media
Our greatest glory is not in never failing, but in rising up every time we fail.”
16/09/2026
Allaha unaxariste waxa Geerida ku timid Walasheen Nawaal Siciid Cali Nawaal ayaa Merkeeduu ahaa 15/4/2026. Bishan Hada lagu jiro 3/9/2026 ayuu aqal galkeedu ku beegnaa, Sidoo Kale Hooyo Shukri ayaa diyaarisey Dhaman Xeedhihii (Fujanadii) iyo Alaabadii kalaba Si ay inanteeda Si sharaf leh ugu galbiso
Dhinaca kale Reerkii kale ayaa iyana dhinacooda ka diyaar garoobey Oo Gurigii Si gogley. Balse Qadar Alle ayaa timi Ee aynu uwada ducayno Nawaal😭💔
16/09/2026
Fadlan Ka qeyb qaado Sidii Gacanta Loogu Soo dhigi Lahaa Gacan Ku dhiiglahaan,
Police-ka wadanka South africa ayaa Baadigoobaya Ninka Idiin Muuqda Oo Wiil Somaaliyeed Ku dilay Halka Uu Mid kalena Dhaawac Halis ah Ugu geystay Goobtooda Ganacsi Oo Ku
Taalay Xaafada Atteridgeville Ee Caasimada Wadanka ee Pretoria.
16/09/2026
"Ganacsatada yar-yar qayb ayaan ka ahaa, waxaan lahaa shirkad ganacsioo markii dambe gaadhay heer ay ka shaqeeyaan ilaa 300 qof. Dadku waxay u haystaan in dawladdu tahay cidda shaqooyinka abuurta, laakiin ganacsatada yar-yar ayaa shaqaalaysiiya dadka ugu badan. Shirkadahayaga waaweyni waxay ku bilaabmeen laba ama saddex qof."
Eng. Abdirisaag Mohamed Farah (Wiiwaa)
Maayirka Caasimadda Hargeysa
msme.mottsl.com
16/09/2026
Ra’iisul Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo wararka ku saabsan dron lagu qabtay meel u dhow Makkah Al-Mukarramah, isagoo carrabka ku adkeeyay in tallaabo kasta oo khatar gelin karta amniga iyo karaamada magaalada barakeysan aan la aqbali karin.
Wuxuu muujiyey taageerada Malaysia ay u hayso Sacuudiga, isagoo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga dadka deggan iyo xujeyda, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo goobaha dadweynaha iyo meelaha barakeysan, iyadoo xiisadaha gobolka lagu xalliyo wada-hadal iyo diblomaasiyad nabadeed.
16/09/2026
Afhayeenka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadallo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka sheegay Taiwan intii uu ku guda jiray booqashadiisa Maraykanka.
Safaaradda ayaa sheegtay in hadalladaasi ay ka hor imanayaan mabda’a Hal Shiinaha, isla markaana ay wax u dhimayaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Shiinaha. Beijing waxay ku adkaysatay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhulka Shiinaha, iyadoo digniin ka bixisay tallaabo kasta oo ay u aragto inay ka gudbayso xadka arrinta Taiwan.
Dhanka kale, Shiinuhu wuxuu sheegay inuu Somaliland u aqoonsan yahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, isla markaana uu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale sheegtay inay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya.
16/09/2026
: Alle haw naxariistee Cisbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa waxa ku geeyootay Nawaal Siciid oo kamid ahayd Hablaha reer Burco. Siday ehelkeedu noo sheegen Nawaal waxay u geeryootay Haanta neefta (OXGEN) oo ku yaraatay.
Waa eedii labaad ee la xidhiidha OXGEN ee loo haysto Cisbitaalkaas, waxana maalmihii u dambeeyay talagaada dhakhtarka weyn ku jiray Abokor Diini, oo ay qoyskiisu ku eedenayeen Cisbitaalkan inaanu Haanta neefta ku xidhin xilli uu qaliin ku samaynayey. Dhinaciisa Cisbitaalka Gar-gaar weli iskama leexin eedahaas.
16/09/2026
Diyaarad Helikobtar ah oo uu lahaa Telefishanka KNBC-TV oo si toos ah u tabinaysay shil baabuur oo ka dhacay Magaalada Los-angles ayaa iyadii shil gashay, waxaanna ku geeriyoodey 4 ruux oo mid ka mid ahi dhulka joogey.
Muuqaalo laga duubay goobta shilku ka dhacay ayaa la arkayay diyaaradda oo ku dul dhacday dhismayaal iyo baabuur goobta taalay iyadoo dab ka kacay halkaasi, waxaanna weli socota baadhista waxa sababay shilkaasi.
Xigasho
KF Media TV
16/09/2026
Madaxweyne Cirro oo Washington kula kulmay Safiirka Israa’iil .
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa ayaa booqashadii ugu horreysay ee Washington ku tegay, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Safiirka Israa’iil ee Maraykanka, Ambassador Leiter.
Safiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay saaxiib istaraatiiji ah oo soo koraya, gaar ahaan amniga badda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.
Israa’iil waxay muujisay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga cusub ee labada dhinac, iyadoo la doonayo mustaqbal wanaagsan oo u wada dan ah Somaliland, Israa’iil iyo gobolka.
Xigasho
Wariye Xasan Faraax Qamaan
16/09/2026
WAR DEGDEG AH: Wakiilka Sucuudiga u qaabilsan Qaramada Midoobay oo warbixin ka jeediyay kulanka gollaha ammaanka ayaa sheegay in Sucuudigu uu xaq buuxa u leeyahay inuu qaado talaabo kasta oo lagama maarmaan u ah difaaca ammnigiisa.
Wuxuu sheegay in Xu/tiyiintu ay khatar ku yihiin badqabka maraakiibta iyo isku socodka gacansiga ee marin biyoodka baabul mandab.
Wuxuu sheegay in hanjabaadaha ay Xu/tiyiintu u jeedinayaan maraakiibta ay si toosa u sameynayso dhaqaalaha caalamka, sidaas darteed wuxuu codsaday in gollaha ammaanku uu qaato mawqif adag oo looga hortagayo arintaas.
Wuxuu sheegay in Du/tiyiintu ay diideen oo lagu kari waayay xal kasta oo lagu yareyn karay xaaladaha adag ee ka taagan Dalka Yaman.
Wuxuu sheegay in Sucuudigu uu dhisay isbahaysi ciidan oo ay ku mideysan yihiin dalalka badan si loo ilaaliyo isku socodka maraakiibta, looga difaaco khataraha jira badda-cas.
Ugu dambeyn Wakiilka Sucuudiga u qaabilsan Qaramada Midoobay wuxuuna u sheegay gollaha ammaanka in Boqortooyada ay qaadayso talaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u difaacdo ammnigeeda iyo danaheeda.
15/09/2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday Xarunta Congress-ka Maraykanka (United States Capitol Hill) oo ah goobta ay ku shaqeeyaan Xildhibaannada Aqalka Sare (Senate) iyo kuwa Golaha Wakiillada (House of Representatives), halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid yihiin Xildhibaan (Congressman) John Rose (R-Tennessee) iyo Xildhibaan (Congressman) John Moolenaar (R-Michigan).
Madaxweynaha iyo xubnaha Congress-ka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, iyaga oo si gaar ah u taabtay arrimaha amniga, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga, maalgashiga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa adkeeyey muhimadda ay Somaliland u leedahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isaga oo tilmaamay in juqraafi ahaan Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo danaha istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah dalka Maraykanka.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyey in Somaliland doonayso iskaashi ku salaysan dano-wadaag, masuuliyad iyo natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan horumarinta iskaashiga amni, ballaadhinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga Maraykanka iyo xoojinta xidhiidhada dhaqaale.
Telephone
Website
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Kaptanka Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.