Ibrahim Atosh
Kala Soco Warar & Barnaamij-yo Xaqiiqa Ah
04/07/2026
Morocco waxay noqotay Brazil-sha Afrika, martigeliye Canada ayeyna ka reebtey Koobka.
04/07/2026
Aaskii Mujaahidka weyn iyo Imāmka ugu sarreeya dalka Iiraan, Sayid Cali Khamenei, waxay Iiraaniyiintu ku soo bandhigeen farriimo cajiib ah iyaga oo adeegsanaya aayadaha Qur’aanka kariimka ah, waxayna si toos ah iyo si dadbanba ula hadleen wafuuddii kala duwanayd ee aaska Imāmka Eebbe ha jannayee kasoo qeyb galay.
Markii wafdi kastaba uu istaagay si uu tacsi u bixiyo, waxaa laga dul akhriyay aayado xambaarsan farriimo siyaasadeed iyo kuwo walaaltinimo oo si xeeladeysan loo soo xulay.
Wafdiga Sacuudiga waxaa loo akhriyay aayadda oo sheegaysa in guusha iyo nasriga Eebbe uusan ku iman awood, tiknooliyad iyo tiro toonna ee yahay doonista Alle!
﴿قَدْ كَانَ لَكُمْ آيَةٌ فِي فِئَتَيْنِ الْتَقَتَا ۖ فِئَةٌ تُقَاتِلُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَأُخْرَىٰ كَافِرَةٌ يَرَوْنَهُم مِّثْلَيْهِمْ رَأْيَ الْعَيْنِ ۚ وَاللَّهُ يُؤَيِّدُ بِنَصْرِهِ مَن يَشَاءُ﴾,
halka wafdiga Turkigana lagu dul akhriyay, ayaadan oo dhirrigalinaysa jihaadka, iyo in aan hadal badan iyo bootayn toonna waxba lagu helin!
﴿وَفَضَّلَ اللَّهُ الْمُجَاهِدِينَ عَلَى الْقَاعِدِينَ أَجْرًا عَظِيمًا﴾.
Sidoo kale, wafdiga dalka Pakistan waxaa loo akhriyay
﴿مَّثَلُ الَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنبَتَتْ سَبْعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنبُلَةٍ مِّائَةُ حَبَّةٍ ۗ وَاللَّهُ يُضَاعِفُ لِمَن يَشَاءُ﴾,
iyadoo wafdiga dowladda Masarna lagu maamuusay aayadda
جَنَّاتُ عَدْنٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ مَن تَزَكَّىٰ﴾.
Dhanka kale, wafdiga dowladda Qatar waxaa loo akhriyay
﴿يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ﴾,
halka wafdiga Taalibaan lagu qaabilay aayadda furashada ee
﴿إِنَّا فَتَحْنَا لَكَ فَتْحًا مُّبِينًا﴾.
Wafdiga ururka Xamaas waxaa loo akhriyay aayadda sifeynaysa i
dhabar-adayga iyo halganka jidka Eebbe.
﴿مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ صَدَقُوا مَا عَاهَدُوا اللَّهَ عَلَيْهِ ۖ فَمِنْهُم مَّن قَضَىٰ نَحْبَهُ وَمِنْهُم مَّن يَنت
11/06/2026
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta k**a dambeysta ah ee UEFA Super Cup 2026, kaddib markii loo diiday fursad uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA sababo la xiriira in loo diiday gelitaanka Mareykanka.
UEFA ayaa manta shaacisay in 34-jirkan uu hagi doono ciyaarta furitaanka xilli-ciyaareedka ee koobka Yurub, taasoo dhex mari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee PSG iyo kooxda heysata UEFA Europa League ee Aston Villa, 12-ka Agoosto waxayna ka dhici doontaa magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Magacaabistan ayaa timid kadib wadatashi dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), waxaana ay ku soo aadaysaa xilli uu Cumar Cartan taageero ballaaran ka helayay ka dib markii si muran leh looga reebay Koobka Adduunka.
Cartan, oo tan iyo 2018 ka mid ahaa liiska garsoorayaasha caalamiga ah ee FIFA, waxaa loo arkaa mid ka mid ah garsoorayaasha ugu sarreeya Afrika. Waxa uu ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee Ragga CAF 2025, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa 52 garsoore oo FIFA u xushay Koobka Adduunka 2026.
09/06/2026
Madaxweyne Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula xiriiray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan oo laga reebay ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026, waxa uuna la wadaagay dareenkiisa ku aaddan caqabadda uu la kulmay.
Qiso gabadh 4 jir ah oo somali ah oo ay kufsadeen Rag cadaan ah oo hay'ad lasocday 2009. Wariye Jamal Osman ayaa ka waramaya warbixin saamayn wayn ku reebtay.
17/02/2026
WAR DAG DAG : Sacuudiga oo ku dhawaaqay in Barito Ramadaan 1 tahay. Hala ogaaday bari waa Ramadaan waana la soomayaa.
Ramadaan Mubaarak
18/01/2026
Sadio Mane oo ku guuleystay abaalmarinta xidigga tartanka
Sababtoo ah dhiirrigelinta uu siiyay kooxdiisa oo ay ku gaareen guul aan la filayn, Sadio Mané ee Senegal ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinta shakhsiga ugu sharafta badan tartanka.
18/01/2026
Senegal, waxay u ciyaareen sidii iyagoo qaadanaya taladii caalimka Belkacem Haba: “Waan ognahay garsoorku wuu khaldan yahay, laakiin aan anigu xalka keeno.”
Ugu dambayn, kooxdii ugu xoogga badnayd uguna tayada fiicnayd tartanka koobka kubadda cagta ee qaaradda Afrika ayaa guuleysatay. Xasuusnow 18 kulan ee u dambeeyay ee koobka Afrika , lagama badin Senegal, waxay guuleysteen 13 kulan , halka ay 5 kulan galeen barbaro, ma jirto dal kale oo tartankan muddadaa guuleystay!
Hambalyo Senegal , waa koob aad si buuxda u mudaysateen.
13/01/2026
War Saxafaded Dowlada Putland
Click here to claim your Sponsored Listing.
Contact the public figure
Telephone
Website
Address
6061