Isxaaq Rashid Cinro
warar iyo sheekooyin ku saleysan xaqiiqda kala soco halkaan🎤https://youtube.com/@isxaaqshow1?si=mhLYrDBGsD19FL9G
29/09/2026
Baladweyne waxaa soo gaaray Gudoomiyahii h**e ee gobolka Hiiraan CabdiFatax Xasan Afrax kaas oo JSP aay u asteysay in uu noqdo hogaamiye kuxigeenka Hirdhabelle isla markaana la gudoonsiiyay kaarka musharaxnimo
Cabdifatax oo aay la socdan masuuliyiin gobolka xilal ka soo qabtay xildhibaano iyo wasiiro ayaa ka soo dagay garoonka diyaaraha ee ugaas Khaliif xili goor sii h**eysay dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka aragti duwan hirshabelle ee jooga Baladweyne aay sheegen in uu ka soo dagi karin Balafweyne
Hadaba xaalka magaalada Baladweyne ayaa ah mid aan la qiyaasi karin maadama aay ku wada hoyanayan garabyo kala aragti ah
Isku soo wada duubo Cabdifatax Xasan afrax ayeey JSP iyo madaxda dowladduba u aragtaa in aay isaga kala yareeyn karto cadaadiska ka saaran Gobolka Hiiraan
Isxaaq Rashid Cinro Soo follow garee Bogaan
Xildhibaan Bagistaan oo soo rogaal celiyay👋
Waxaa wali Baladweyne ka soconaya Dibadbax looga soo hor jeedo Cali Guudlaawe iyo in uu qaatay kaarkii JSP "
21/09/2026
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in Bam gacmeed lagu tuuray gaari uu la socday Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo iyo askar la socotay.
Khasaare kala duwan ayaa la sheegay inuu sababay qaraxan walow ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxaas.
Baydhabo ayaa wajaheysay dhibaatooyin amni darro tan iyo markii meesha laga saaray maamulkii uu hogaamin jiray
Laftagareen.
Wixii kusoo kordha halkan kala soco.
xigasho KNN
19/09/2026
Innaa lillaahi wa innaa ileyhi rajicuun Rabbi ha unaxariisto Wariye Xasan kaaf qooyste oo xanuun ku soo booday waabarigii h**e ee saakay una geeriyooday
Marxuumka saacado kahor isaga ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Wariyahii xalay la dilay ee boqorka bartamaha subxanalah
Xasan waxuu ahaa wariye ka caan ah dhulka Soomaalida waqti dheerna ku soo jiray saxaafadda ehelkiisa iyo dhammaan bahda warbaahinta ayaan la qeybsanaya tiiraanyada
18/09/2026
Yaa dilayBoqorkii bartamaha wariyahii weynaa
Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaanay Boqorka Bartamaha ayaa lagu dilay dilay dalka Jarmarka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in markii h**e dhaawac ahaan loo qaaday balse uu markii Isbitaalka la geeyey u geeriyooday dhaawicii gaaray.
Nin Soomaali ah oo sida la sheegay ay murmeen ayaa Mindi ku dhaawacay.
Boqorka Bartamaha ayaa ka mid ahaa Wariyayaasha caanka ah ee mudada ka shaqeynayey Saxaafadda Soomaaliya isagoo sanadkii 2017 tagay dalka Jarmalka kadib markii lagasoo daayey xabsi uu muddo ku xirnaa oo ku yaalla dalka Itoobiya.
16/09/2026
Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maaliyadda Degmada Jawiiil Ee gobolka Hiiraan Abdijabar Hasan Kofi ayaa maanta qaatay kaarka diiwangalinta codbixiye yaasha isagoona iska diwangaliyay xarunta Degmada Jawiil
Gudoomiyaha oo maalmahii iynu soo dhaafnay qeyb weyn ka lahaa dadaalka iyo habsami u socodka diiwangalinta ayaa maanta isna ka mid noqday bulshada reer jawiil ee u dareertay in aay is diiwangaliyan
Wasiir kuxigeenka Amniga Hirshabelle ayaa shaaciyay in uu u taagan yahay mid kamid ah kuraasta golaha wakiilada Hirshabelle qoraal uu bogiisa ku qoray ayaa u dhignaa "
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Anigoo ah Liibaan Cabdiraxmaan Cali (SANWEYNE) waxaan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqayaa inaan u taaganahay xilka Xildhibaanimo ee Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabeelle.
Go’aankaygu kuma koobna oo keliya inaan xil qabto balse wuxuu ku salaysan yahay inaan noqdo codka bulshada, matalaad dhab ah iyo masuul u adeega danta guud.
Waxaan aaminsanahay in waqtigan loo baahan yahay hoggaan leh aqoon dowladnimo, aragti fog, daacadnimo, run-sheegid iyo waxqabad muuqda—hoggaan aan bulshada kala qaybin, balse mideeya aan dan gaar ah raadin, balse danta shacabka hormariyo.
Waxaan u taaganahay isbeddel dhab ah, matalaad hufan iyo in codka shacabka si sharaf iyo masuuliyad leh loo gaarsiiyo Golaha Wakiillada Hirshabeelle.
Qofkaaga | Codkaaga | Mustaqbalkaaga
ISBEDEL DHAB AH DOORO
Liibaan Cabdiraxmaan Cali (SANWEYNE)
Musharrax Xildhibaan Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabeelle
Ugaas yuusuf oo hadda soo gaaray Baladweyne ayaa la hadlay warbaahinta
Klik hier om uitgelicht te worden.
Type
Telefoon
Website
Adres
Leuven
3000
Meldingen
Wees de eerste die het weet en laat ons u een e-mail sturen wanneer Isxaaq Rashid Cinro nieuws en promoties plaatst. Uw e-mailadres wordt niet voor andere doeleinden gebruikt en u kunt zich op elk gewenst moment afmelden.