Dollo Addo Hospital Rasmi page

Dollo Addo Hospital Rasmi page

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dollo Addo Hospital Rasmi page, Hospital, Dollo Addo Town, 03 kabele, Addis Ababa.

Dollo ado hospital is among the functional hospitals which are located in somali regional state and it is based in dollo ado woreda ,liban zone with catchment population of 700,000.

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 13/09/2026

Alxamdulillaah!

Dadaal dheer oo qaatay saddex saacadood kadib, maanta Isbitaalka waxaa si guul leh looga soo saaray gabar yar oo laba sano jir ah oo laqday baytari (button battery) , kaas oo ku xannibmay hunguriga.

Kiiskan waxaa caadi ahaan lagu maareeyaa qalabka Endoscopy-ga.

Inkastoo uusan isbitaalku haysan qalabkaas, haddana dadaalka, isku-duubnida iyo xirfadda sare ee ay muujiyeen shaqaalaha Qeybta Qalliinka ayaa suurageliyey in baytariga si nabad ah looga soo saaro gabadha yar, Alxamdulillaah.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan shaqaalaha Qolka Qalliinka (Operation Theater) dadaalkooda, feejignaantooda iyo wada-shaqeyntooda wanaagsan.

Sidoo kale, waxaan Waaxda Raajada (Radiology Department) uga mahadcelineynaa kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay ogaanshaha halka uu baytarigu ku xannibmay iyo maareynta kiiskan.
Fariin ku socota waalidiinta:

Baytariyada yaryar, lacagta birta ah iyo walxaha kale ee ay carruurtu si fudud u liqi karaan waa in lagu kaydiyaa meel ammaan ah oo aysan carruurtu gaari karin.

Haddii ilmuhu liqo baytari, lacag bir ah ama walax kale, ha sugin inta ay calaamaduhu kasoo baxayaan; si degdeg ah u geeya xarunta caafimaadka ama isbitaalka idiinku dhow.
Mahadsanidiin !!

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 23/08/2026

Maanta, ooy taarikhda tahay 17/12/2018E.c koox xirfadlayaal caafimaad oo isku dhaf ah ayaa adeegyo caafimaad ka fulisay Xarunta Caafimaadka Magaalada Suftu.

Hawshan oo qayb ka ah barnaamijka tabarucaadka bani’aadannimo ee bilaha xagaaga, ayaa bulshada loogu sameeyey baaritaanno caafimaad oo ay ka mid yihiin dhiig-karka, sonkorowga, qaaxada (TB) iyo HIV. Waxaa sidoo kale la bixiyey wacyigelin caafimaad iyo adeegga dhiig-shubista.

Bukaannadii laga helay xaalado caafimaad oo u baahan baaritaan iyo daaweyn dheeraad ah waxaa loo soo gudbiyey Isbitaalka Dollo Addo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan xirfadlayaashii caafimaadka iyo masuuliyiintii maamulka degmada Dollo Addo, Duqa magaalada suuf iyoo maamulka Xarunta Caafimaadka Suftu ee ka qayb qaatay hirgelinta hawshan muhiimka ah.

22/08/2026

Pop(Pelvic Organ Prolapse)

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 13/08/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 07/12/2018 T.I., koox xirfadlayaal caafimaad ah oo ka socotay Isbitaalka Dollo Addo ayaa adeegyo caafimaad oo kala duwan ka fulisay Xabsiga Weyn ee Degmada Dollo Addo (Asluubta).

Intii ay hawshu socotay, 200 oo maxbuus ayaa laga baaray cudurrada sonkorowga (DM), dhiig-karka (HTN), HIV iyo qaaxada (TB).

Kooxdu waxay sidoo kale maxaabiista siisay wacyigelin caafimaad oo ku saabsan ka-hortagga cudurrada, ilaalinta nadaafadda, ku-dhaqanka hab-nololeed caafimaad leh iyo muhiimadda ay leedahay in daawooyinka si sax ah loo qaato.

Hawshani waxay qayb ka tahay barnaamijka tabarucaadka bani’aadannimo ee bilaha xagaaga.

Sidoo kale, Isbitaalka wuxuu xabsiga ugu deeqay laba neef oo adhi ah si loogu qalo maxaabiista.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan xirfadlayaashii caafimaadka ee ka socday Isbitaalka iyo masuuliyiintii xabsiga ee gacan ka geystay hirgelinta hawshan.

Mahadsanidiin!

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 12/08/2026

BAAQ KU SOCDA BULSHADA

Isbitaalka Dollo Addo, oo kaashanaya Wings of Healing Ethiopia iyo hay’adda Rural Aid Pastoralist Initiative Development (RAPID), wuxuu qabanayaa olole caafimaad oo bilaash ah oo loogu talagalay 50 hooyo oo qaba soo-dhaca xubnaha miskaha (Pelvic Organ Prolapse – POP).

Ololaha waxaa bilaash loogu sameynayaa:
Baaritaan
Daaweyn
Qalliin haddii loo baahdo
Daryeelka qalliinka kadib

Waxaan bulshada oo dhan ka codsanaynaa inay fursaddan gaarsiiyaan hooyooyinka la dhibban xanuunkan, gaar ahaan kuwa aan xogta heli karin ama ka xishoonaya inay dhibaatadooda sheegtaan.

Haddii aad taqaan hooyo ama qof qaraabadaada ah oo qaba wax kasoo baxaya farjiga, culays ama xanuun miskaha ah, ama kaadida iyo saxarada oo adkaata, fadlan ku dhiirrigeli oo ka caawi inay sida ugu dhakhsaha badan isaga diiwaangeliso Isbitaalka Dollo Addo.

Wixii macluumaad dheeraad ah iyo isdiiwaangelin, nagala soo xiriir:
Ethio Telecom: 0967718220 / 0915129798
Hormuud: 0613107248
Somtel: +252 623107248
Waxaa iska kaashanaya: Isbitaalka Dollo Addo, Wings of Healing Ethiopia iyo Rural Aid Pastoralist Initiative Development (RAPID).

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 03/08/2026

Dollo Bay: Team aas medical Director Isbitaalka hogaaminaayo ooy wehliiyaan takhaatiirta takhsuuska leh ,General Surgeon ,Internist iyoo xirfadyaal kale ayaa Magaalada Dollo Bay utagay Howlaha Bilaha xagaaga ee tabarucaadka ah

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 30/07/2026

Magaalada Dollo Addo: Maamulka Isbitaalka Dollo Addo, Maamulka Gobolka Liibaan iyo Maamulka Degmada Dollo Addo ayaa maanta qabtay munaasabad lagu maamuusay laguna guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaalmarinno kale takhaatiirtii maalmahan ka fulinaysay Isbitaalka Dollo Addo ololaha qalliinka bilaashka ah ee carruurta aay faruuryaha (bishimaha) iyo dhanxanagga isu go'an (Cleft Lip and Palate).

Tani waa markii afaraad oo ay dhaqaatiirtan takhasuska leh, kana soo jeeda deegaankeena, ay si mutadawacnimo ah uga fuliyaan Isbitaalka Dollo Addo ololahan qalliinka, kaas oo wax weyn ka beddelay nolosha carruur badan iyo qoysaskooda.

Ololahan waxaa si wadajir ah u fuliyay Xafiiska Caafimaadka Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS), Hay'adda Deutsche Cleft Kinderhilfe e.V. ee dalka Jarmalka, iyo Isbitaalka Dollo Addo Primary Hospital.

Qaar kamid ah faa’iidooyinka aas Qallinkan leeyahay;

Dib-u-soo-celinta qaabka dabiiciga ah ee bishimaha iyo dhanxanaga.

Hagaajinta nuugista, cunista iyo cabbitaanka.

Horumarinta hadalka iyo dhawaaqa ilmaha.

Yaraynta dhibaatooyinka caafimaad ee la xiriira kala-go'a bishimaha iyo dhanxanaga.

Kor u qaadidda kalsoonida nafta iyo fududeynta isdhexgalka bulshada, iyadoo laga yareynayo takoorista.

Siinta carruurta fursad ay ugu noolaadaan nolol caafimaad leh, sharaf leh, isla markaana leh mustaqbal wanaagsan.

Maamulka Gobolka Liibaan , Maamulka Degmada Dollo iyoo Maamulka Isbitaalka Dollo Addo ayaa si weyn ugu mahadceliyay dhaqaatiirtan iyo dhammaan xubnihii ka qeyb qaatay ololahan samafalka . Bulshadana sidookale waxay si weyn ugu mahadcelisay takhaatiirtan adeegga qiimaha badan u fulisay.



Allah (SWT) ha ka abaalmariyo. Aamiin

Mahadsanidiin !

26/07/2026

They said, “Takhaatirta takhsuuska leh Jigjiga sooma dhaafaan”

Meanwhile, our heroes are here, serving the most vulnerable communities in every corner of our region—including the remotest areas.

Most of the patients benefiting from this campaign are from our brotherly country, Somalia, particularly the Gedo Zone, demonstrating that compassionate healthcare knows no borders.

We are incredibly proud of you, dear colleagues. Your dedication, sacrifice, and commitment to reaching those who need care the most speak louder than any misconception.

With the grace of Allah, thank you for bringing hope and healing through the cleft lip and palate surgical campaign at Dollo Addo Primary Hospital. You are true ambassadors of compassionate healthcare, and your service is a source of pride for our region.

Jigjigadaba soo bulshadeenna maha waxaay ugu adeegi haayaan.

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 23/07/2026

Waxaa si rasmi ah uga bilaabmay Cusbitaalka Dollo Addo ololaha qalliinka Cleft lip and palate(Ciyaalka Faruuran) ooy Faruurta(Bishimaha ) iyo Dhanxanaga iisu go'on, kaas oo soocondoon ilaa iyoo 3 caasho.

Sidaa Darteed Hospitalka Wuxuu Ugu Baqayaa Inay Bulshada Kafaideystan Adeegan Bilaashka .
Ee Nagala soo hadal

EthioTel: +251 915129798
Hormud:+252 613107248
Somtel:+252 623107248

Photos from Dollo Addo Hospital Rasmi page's post 20/07/2026

Olole qeyb ka ah barnamijka dhiig ururinta tabarucadka bilaha xagaga aya kaqabsomay degmada dollo ado,gobalka liban

Maamulka iyo Shaqalaha kunool degmada Dollo addo ee gobolka liban ayaa saaka dhiigooda ugu deeqay kaydka dhiiga Dollo Addo blood bank iyagoo ka qayb qaadanaya barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga.

Ujeedada dhiig uruurintan ayaa ah sidii loo heli lahaa kayd dhiig oo la isku halayn karo si loogu daweeyo dadka ubaahan dhiiga.

FIIRO GAAR: ololahan Dhiig shubista OO maalmahan Socon doono waxaan Bulsho weynta ku nool Degmada Dollo Addo ugu baaqeynaa inay dhiigooda ku deeqaan.

Category

Telephone

Address

Dollo Addo Town, 03 Kabele
Addis Ababa