Gode Blood Bank Service
Update about the gode blood bank
09/09/2026
🌿 BARNAMIJKA DHAXAL-REEB ee– BILAHA XAGAAGA 🩸
______________________________
Maanta oo ay taariikhdu tahay 4-ta Pagume 2018, waxaa si rasmi ah oo qurux badan loogu soo gabagabeeyey magaalada Godey Barnaamijkii Dhaxal-reeb ee Bilaha Xagaaga.
Munaasabadda gabagabada ayaa ku soo beegantay Maalinta Midnimada Qaranka (National Unity Day), oo ah maalin qiimo weyn u leh bulshada, kuna suntan midnimo, wadajir, iskaashi iyo isku duubni
✨ Barnaamijka Dhaxal-reeb wuxuu ahaa safar ay bulshada si wadajir ah uga qayb qaadatay, iyadoo lagu xoojinayey kartida, hal-abuurka, wada shaqaynta iyo dhaxalka wanaagsan ee jiilka maanta loogu gudbinayo jiilasha soo socda.
🤝 Mahad iyo bogaadin waxaan u jeedinaynaa dhammaan intii ka qayb qaadatay hirgelinta iyo guusha barnaamijkan—maamulka, shaqaalaha, dhalinyarada, haweenka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan
❤️ Mahadcelin gaar ah waxaan u diraynaa dhammaan shacabka Magalada Godey gacalo ,gaar ahaan bulshada reer Godey , oo muujiyey taageero, wadajir iyo garab istaag mudan in la xuso.
🌟 Dhaxal-reeb wuu soo gabagaboobay, balse dhaxalkii wanaagsanaa ee uu reebay wuu sii noolaan doonaa.
Midnimo • Wadajir • Iskaashi • Horumar
Hambalyo Maalinta Midnimada Qaranka!
🌿 Mahadnaq iyo sharaf dhammaan Magalada Godey🙏🩸
SOO GUNAANADKA OLOLAHA DHIIG-KU-DEEQISTA BILAHA XAGAAGA
_____________________________________
Gode Blood Bank ayaa soo gabagabaynaya ololihii dhiig-ku-deeqista ee bilihii xagaaga, kaas oo si ballaaran looga fuliyay guud ahaan MM Godey iyo wliba Gobolka shabele .
Ololahan ayaa ujeeddadiisu ahayd in la kordhiyo wacyiga bulshada ee ku aaddan muhiimadda dhiig-ku-deeqista, isla markaana la helo dhiig ku filan oo loogu gurmado bukaannada u baahan dhiigga, gaar ahaan hooyooyinka umulaya, bukaannada qalliinka galaya, dhaawacyada, carruurta iyo xaaladaha degdegga ah.
Ololaha dhiig-ku-deeqista waxaa laga sameeyay
1:MMG Godey iyo dhaman xafiisyada maamulka oon ukala hadhin
2: iyo wliba dhammaan degmooyinka Gobolka shabele ee kala ah:
- Qalafe
-Dhanaan
-Godey
-cadadle
-elele
-Abaqarow
-iimey bari
- Beercaano
Waxaana ololahan si wadajir ah uga qayb qaatay bulshada, shaqaalaha caafimaadka, maamulka degmooyinka iyo dhammaan dhinacyada taageera howlaha dhiig-ku-deeqista.
GUNAANAD
Ugu dambayn, Gode Blood Bank wuxuu si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan dadka dhiiggooda ku deeqay, bahda caafimaadka, maamulka Magalada Godey iyo kuwa Gobolka shabele iyo degmooyinka, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta ololahan.
Hal deeq dhiig ah waxay badbaadin kartaa nolol.
GODE BLOOD BANK 🩸 wuxuu bulshada ugu baaqayaa inay sii wadaan dhiig-ku-deeqista, maadaama baahida dhiiggu ay tahay mid joogto ah, qof kastana uu maanta noqon karo qof dhiig u baahan.
Dhiig ku deeq — Nolol badbaadi.
06/09/2026
Bulshada kunool degmada IIMEY BaRi ee gobolka shabele ayaa ku deeqay dhiigooda uguna deeqAy bulshadooda ubaahan dhiiga
_________________________________________
Maamulka, shaqaalaha dawlada,iyo waliba Askarta degmada ee iiMeY Bari iyo bulshada qaybeheeda kaladuwan oo kaduulaya barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa dhiigooda ugudeeqay kaydka dhiiga ee Gode Blood Bank 🩸
Ololahan ayaa qayb ka ah olole balaadhan oo lagu aruurinayo dhiig bad qaba oo bukanka dhiig yaridu soo foodsaarty lagu badbadinayo
30/08/2026
Mahadsanidiiin Garabka dhalinyarada xisbiga barwaqo ee gobalka shabele
____________________________
Shirkii warbixinta waxqabadka hogaaminta garabka dhalinyarada xisbiga barwaaqo e degmooyinka gobolka shabeele 2018 iyo qorshe dhaadhicinta shaqooyinka 2019 ee garabka dhalinyarada degmooyinka gobolka shabeele
Iyado halkaas lgula dar daarmay hogaaminta garabka dhalinyrda ina shaqooyinka si hufan u dar dar galiyaan markey goobahoodi shaqo ku laabtaan
Ogu danbyan hogaaminta garabka dhalinyrada ayaa sameeyay olole dhiig shubis o kmid ah shaqooyinka bilaha xagaaga o gabo gabo maraya
እርስዎ ለገሱ ማለት አንድ ሰው ተስፋ አገኘ ማለት ነው! ዛሬ ደም በመለገስ ህይወት ይደግፉ። ደም ይለግሱ፤ ህይወት ይመልሱ!”
10/08/2026
Ciidanka Asluubta Ee Gobalka shabele
“Barnaamijka dhiig shubista ee bilaha xagagaga
_____________________________
“Waxaa si guud deegaanka looga daah furay Barnaaminjka bilaha xagaaga ah ee dhiig ku deeqista
_____________________________
Komoshinerka Boliska Aslubta G.Shabelle Mohamed Abdi jeele Iyo Saraakisha Cidanka Asluubta G.shabelle Oo Saaka Sameyay dhiig shubis Balaadhan
Dhiig shubistan aya waxy kamid ahyd ololaha tabarucadka Oo Aan Ahayn Marki Koobad iyo 2aad toona ee ay ka qaybqatan askartu dhiig ku deeqista
Ayaa sakaa Ka Qabsoontay Saldhiga Dhaqan Toosinta Ee G.shabelle
Mahadsanidiiin
10/08/2026
Mahadsanidin.Xafiiska waxbarashada MMG
______________________________________
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska Waxbarashada EE MMG ayaa saaka
sameeyay dhiig shubis aan loo kala hadhin mahadsnidin
xafiisk waxbarashada ee MMG Oo kaduulaya barnaamijka tabarucaadka Xagaaga ayaa dhiigooda ugudeeqay bangiga kaydka dhiiga EE GODEY
Wax la sadaqaysto waxaa ugu qaalisan dhiigaaga maadaama dhiiga aad sadaqaysatay sabab unoqon karo naf bani aadam in lagu bad'baadiyo.
Gode Blood bank
09/08/2026
Bulshada kunool degmada ABAQAROW ee gobolka shabele ayaa maanta dhiigooda kudeeqay.
_________________________________________
Maamulka, shaqaalaha dawlada, ee degmada Abaqarow iyo bulshada qaybeheeda kaladuwan oo kaduulaya barnaamijka tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa dhiigooda ugudeeqay kaydka dhiiga ee Gode Blood Bank 🩸
Ololahan ayaa qayb ka ah olole balaadhan oo uu Xafiiska Caafiimaadka DDS dhiig uruurin kaga samaynayo 12 goobood oo deegaanka ah si loo soo uruuriyo 8,922 qandi oo dhiig ah.
08/08/2026
ciidanka qaranka dalka ee fadhigiisu yahay
MMG
___________________________________________
🩸Waxaa maanta olale taburucaad dhiig ku deeqis ah sameeyay dhamaan ciidanka QARAN EE DALKENA
______________________________
Mahadsanidiin Dhamaan Askarta Qaybaheda kala Duwan Ee Ka Howlgala ( MMG)
Oo Si Mutadawacnimo Ah Ugu Deeqay Dhiiggooda Kaydka Dhiiga Ee Godey
Baahida Dhiig waa Mid Joogta ah
Aynu Joogtayno Dhiig ku Deeqista
Mahadsanidiin
08/08/2026
🩸 የአገሪቱ ብሔራዊ ጦር በጎዴ ደም ለገሰ
ዋና መስሪያ ቤቱ በጎዴ ከተማ አስተዳደር የሚገኘው የአገሪቱ ብሔራዊ ጦር፣ ዛሬ ጠዋት በጎዴ ከተማ ደም ለሚያስፈልጋቸው ሕሙማንና የማህበረሰቡ አባላት ድጋፍ ለማድረግ ደም ለግሷል።
ይህ የደም ልገሳ ዘመቻ በሶማሌ ክልል ጤና ቢሮ የተዘጋጀ ሰፊ የደም ልገሳ ዘመቻ አካል ሲሆን፣ ዛሬ በክልሉ በሚገኙ 12 የደም ልገሳ ቦታዎች ይካሄዳል።
ዘመቻው ሕይወትን ለማዳንና የክልሉን የደም ክምችት ለማጠናከር 8,922 ዩኒት ደም ለመሰብሰብ ያለመ ነው።
❤️ ደም ይለግሱ። ሕይወትን ያድኑ።
________________________________________
🩸 National Army Donates Blood in Godey
The National Army, whose headquarters is located in Godey City Administration, donated blood this morning in support of patients and members of the community in need of blood in Godey.
This blood donation activity is part of a broader blood donation campaign organized by the Somali Regional State Health Bureau, which is being conducted today at 12 blood donation sites across the region.
The campaign aims to collect a total of 8,922 units of blood to help save lives and strengthen the region’s blood supply.
❤️ Donate Blood. Save Lives
Category
Website
Address
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Gode Blood Bank Service posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.