Masaf Development Org
Masaf Development Organization is a legally registered CSO in Ethiopia, focused on community development, youth empowerment, and innovation.
03/08/2026
Our Executive Director is in Johannesburg! 🇿🇦
Today, he met with partners from across Africa and beyond ahead of the African Leadership Festival 2026. From 4–6 August, he will join global leaders, CEOs, educators, and emerging changemakers to shape the future of leadership and talent development in Africa.
We’re proud to represent our community!
27/07/2026
Xalay, Masaf Development Organization waxay ku qabatay Degahbour kulan furan oo ku saabsanaa “Yaa Qaabeeya Nolosha?” Kulanku wuxuu isu keenay dhallinyaro si ay uga wada hadlaan doorka duruufaha, doorashada, hab-fikirka, masuuliyadda shakhsiga iyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbal iyo bulsho wanaagsan.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa martidayada Mustafe Sheikh oo nala wadaagay aqoon iyo aragtiyo qiimo leh, iyo dhammaan ka qaybgalayaashii su’aalahooda, doodahooda iyo fikradahooda ka dhigay kulanka mid wax-ku-ool ah.
Mahadsanidiin dhammaantiin. kullamada noocan oo kale ah waan joogtayn doonaa, si aynu u wada dhisno bulsho aqoon, wacyi ku hubaysan, kuwaa hoggaamin kara isbeddel nolosheena waxtara .
27/07/2026
MASAF Development Organization successfully conducted a two-day training on the Prevention of Violence Against Women and Girls (VAWG) for 30 members of the existing MASAF Women Space (Her Chapter) on 25–26 July 2026 at MASAF Spaces.
The training strengthened participants’ knowledge on gender equality, harmful traditional practices, advocacy, leadership, and community engagement. The participants are now better equipped to become advocates for positive social norms and to raise awareness within their communities and networks.
Together, we are empowering young women to lead change and build safer, more inclusive communities.
YouthLeadership
26/07/2026
MAXAA QAABEEYA NOLOSHEENNA?
Ma Dookheena mise Duruufaheenna?
Wada-sheekaysi iyo Is-weydaarsi Aragtiyeed
barnaamijkan oo oo caawa loo madalanyahay waa wada-sheekaysi furan oo ku saabsan sida doorashooyinkeennu, qiyamkeenna, iyo duruufaheenna u qaabeeyaan nolosheenna iyo mustaqbalkeenna. Waa wada sheekaysi u furan qofkasta oo xiisaynaya, Rag iyo dumar.
Wuxuu qabsoomaya caawa oo ah Maalin Axad ah, Habeen isniin soo galayso.
đź“… 26 Luulyo 2026
🕡 6:40 Fiidnimo
📍 Beerta Bulshada, Dhagaxbuur
25/07/2026
Masaf Development Organization, iyadoo kaashanaysa Masaf Spaces Degahbour Hub Team, ayaa si guul leh u qabatay Youth Career Development Workshop 2026, oo ay ka soo qaybgaleen arday, ardayda TVET, iyo dhallinyaro danaynaysa horumarinta xirfadaha iyo qorshaynta mustaqbalkooda.
Tababarku wuxuu diiradda saaray hagidda xirfadaha, doorashada mihnadda saxda ah, horumarinta xirfadaha shaqsiga, dhisidda sumcadda xirfadeed (Personal Branding), iyo sida baraha bulshada loogu isticmaalo kobcinta fursadaha waxbarasho iyo shaqo.
Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan ka qaybgalayaashii sida firfircoonida leh uga qaybgaley iyo iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta barnaamijkan. oo ugu h**eeya martida barnaamijka Mustafe Sheekh, Teamka Masaf Space Dhagaxbuur. Waxaan idamka alle dhisaynaa jiil leh xirfad, himilo, iyo mustaqbal ifaya.
24/07/2026
MAXAA QAABEEYA NOLOSHEENNA?
Ma Doorashooyinkeenna mise Duruufaheenna?
Wada-sheekaysi iyo Is-weydaarsi Aragtiyeed
Kaalay oo nagala qaybgal wada-sheekaysi furan oo ku saabsan sida doorashooyinkeennu, qiyamkeenna, iyo duruufaheenna u qaabeeyaan nolosheenna iyo mustaqbalkeenna.
đź“… 26 Luulyo 2026
🕡 6:30 Fiidnimo
📍 Beerta Bulshada, Dhagaxbuur
23/07/2026
Masaf Development Organization waxay qabanaysaa Workshop-ka Horumarinta Xirfadaha iyo Hagidda Mustaqbalka Dhalinyarada, kaas oo lagu xoojinayo awoodda dhalinyarada ee qorshaynta mustaqbalkooda, doorashada xirfadda ku habboon, fahamka baahiyaha suuqa shaqada, iyo dhisidda xirfado wax ku ool ah oo u horseeda shaqo iyo horumar waara.
⚠️ Ka qaybgalku waa (Invitation Only).
Si aad isu diiwaangeliso la xidhiidh lambarrada hoose ama booqo Masaf Spaces Hub – Dhagaxbuur (Waddada Awaare, ka dambeeya Dugsiga Sheekh Muumin).
📞095 358 8157
Location: Start Mall. Kasoo horjeedka Masjid jaamaca Dhagaxbuur
18/07/2026
Maalinta caalamiga ah eeXirfadaha Dhalinyarada 2026 —
Toddobaadkii h**e Jigjiga, waxaan isugy keeney 12 Haayadaha development partners , 15 urur bulsho iyo ururo dhalinyaro hoggaaminayaan, iyo 60+ dhalinyaro — si aan u xusno maalinta xirfadaha dhallinyarada adduunka
Laba doodood ayaa dhacay oo lagaga hadley caaqabado badana la isla wadaagey, sidoo kale Talooyin wax ku ool ahna la bixiyay.
ka Akhris websitekeena warbixinta oo buuxda:
https://www.masaf.co/news/masaf-development-organization-marks-world-youth-skills-day-2026-with-regional-forum-on-skills-enterprise-and-youth-employment
Mahadnaq gaar ah Rays MicroFinance Institution ayaan u jeedinaynaa.
15/07/2026
Haayada Masaf Development Org oo kaashanaysa Rays MicroFinance Institution iyo Xafiiska Xirfadaha Iyo Shaqo Abuurka ee DDS. Ayaan qabty xuska Maalinta Caalamiga ah ee xirfadaha dhalinyarada adduunka oo jigjiga ka dhacdey.
Sawirada qaybta 2aad
15/07/2026
Click here to claim your Sponsored Listing.
Website
Address
Jijiga