HIT A RUN

HIT A RUN

Del

HA KU DAALIN JEEDAAL

07/09/2026

Xilumuu Cay Noqday Suuguna amaan noqday ayay taagantahay fariid dheh....lkn aabeheed maxa kala qabsaday... ゚viralシ

Photos from HIT A RUN's post 06/09/2026

NIN AYAA QABAY XAAS WUXUU DHALAY LABA WIIL OO YAR YAR, NINKU WUXUU AQALKIISA YIMAADAA XILI DANBE ISAGOO CASHO U SIDA GABADHIISA,
YARYARKA KA WEYN AYAA SOO JEEDA HABEEN KASTA OO UU AABIHII CASHO U KEENO HOOYADII KA DIB MARKA UU URIYO CARAFTA CUNTADA KA SOO BAXAYSA LKN WUU BAQAYAA INUU YIDHAAHDO WAXAAN. RABAA CASHADA,

WAXA DHAQAN U AH ODAYGA IYO GABADHA UU QABO MARKA AY CASHADAAS CUNAAN INAY BILAWDAAN CIYAARAHOODA GOGOSHA WIILKA YARI HABEEN KASTA WUU LA SOCDAA MARKA CASHADA LA CUNO IN LA IS DABSAARKA ODAYGA IYO ISLAANTA,

MUDO AYUU DAAWAN JIRAY CIYAARTAAS HABEENKII,,

HADABA HALKA AAN U SOCONAA WAA HALKAN EE,
HABEEN KA MIDA HABEENADA WAXA XANUUNSATAY ISLAANTII U AHAYD YARYARKA HOOYADA,
CASHADIINA LAMA CUNIN HABEENKAAS EE WEY BAAQATAY OO MEEL AQALKA KA MIDA AYAA LA DHIGAY,,
SUBIXII WAXAY ISKA TAGEEN YARYARKII DUGISIGA MARKAY SOO BAXEEN NUSU SAACIHII AMA BREAK TIME KII AYAY XAAFADA YIMAADEEN LABADII WIIL KII YARAA AYAA IS YIDHI CUN CUNTADII

LKN KII WEYNAA AYAA AAD U QAYLIYAY ISAGOO LEH WALLOOLO HA CUNIN CUNTADAAS, KII YARAA AYAA YIDHI WAAYO WLLO WAA CUNTO CAADIYA EE,

WIILKII WEYNAA AYAA YIDHI WALLAAHI AABO WUU DABSAARA CIDA CUNTA CUNTADAAS EE HA U DHAWAANIN KKKKKK

WAXA MAQLAYSAY HOOYADII NAXDIN LOOMA DHINTO WEY ISKA AAMUSTAY, HABEEN NIMADII AYAY LA WADAAGTAY NINKEEDII QISADII MAANTA DHACDAY TAASOO KALIFTAY IN ODAYGII JOOJIYO INUU AQALKA KEENO CUNTO HABEENIMO, KKKKKKKKK

06/09/2026

ninka naag u yeella wey taqaana xataa hadii 100nin ay yihiin...readmore... ゚viralシ

06/09/2026

Haddii aad muuqaalka si dhaygag leh u fiirsateen, maxaad is tidhaahdeen ama dareenteen? Weliba goos goos ma aha e, haddaad si caadi ah u soo daawatay.

Abdijaliil Osman, waa nin in badan arrimahan dhex socday, marba meel ka joogay, wuxuuna ku dedaalay in interviewga uu Sharmaboy ka qaadayaa u ekaado real interview. Waxaan u qirayaa inuu naga gaday, oo aan marna la is odhanayn labada qof laba meelood oo kala duwan bay joogaan oo lagu duubay.

Se dareenkayga lixaad ee tuhunku wuxuu ii sheegayaa, in labada qof ay laba meelood oo kala duwan joogaan, si kastoo ay u adag tahay inaad tan aaminto, waan ku tusayaa waxyaalaha shakiga abuuray e, ila eeg.

1. Muraayadda Sharma ka dambaysa: muraayadda Sharma ka dambaysa, waxaa ka muuqda madaxa Sharma. Taasi waxay si toos ah su’aal uga dhalinaysaa, lighting setup ka iyo halka light source gu yaallo, ama uu ka imanayo oo dhinac aan saxsanayn noqonaysa. Ma aha Professional, inuu Interview wayn ka muuqdo hadhka dhabarka qofka la waraysanayaa.
Cabdijaliil, anigu uma malaynayo inuu si ula kac ah u samayn lahaa composition sidan oo kale ah, haddii labada qof ay hal setup ku wada jiraan.

2. Audio Quality ga: codka Sharma, iyo codka Cabdijaliil way kala quality duwan yihiin. Waxaa jira farqi la dareemi karo oo u dhexeeya labada cod. Haddaad is leedahay waxa sababay mic ga podcast-ga oo Cabdijaliil hor yaalla, taasna isla intii h**e ayaan kaa odhanayaa; suuragal ma aha, in Cabdijaliil ogolaado, isagoo sidii h**e looga bartay samayn kara, inuu production rule uu h**e u dejistay ka tallaabsado ama ka tago.

3. Lighting ka Wejiga: lighting ka wejiyada ku dhacaya, Cabdijaliil ayaa light badan helaya, halka Sharma uu iftiin yar ku dhacayl, ama light ka wejigiisa hayaa uu ka daciifsan yahay ka Cabdijaliil haya. Haddii ay tahay hal physical setup, su’aashu waxay noqonaysaa: maxaa keenaya farqiga intaas le’eg ee light intensity ga iyo direction ka?
Sidoo kale, marka muuqaaladiisii h**e lala barbardhigo, background-ka blur-ku isku mid ma aha. Waxaad mooddaa in lens focus ku Cabdijaliil saaranyahay, taas oo keentay depth of field iyo blur badan, halka camera-da Sharma duubaysaa aanay la mid ahayn ta Cabdi.
Tani waxay si gaar ah u taabanaysaa camera setup ka, lens ga iyo focus behaviour ka.

4. Call Interview: ta ugu weyn ee muuqaalka u ekaysiisay Call Interview, waxay noqonaysaa AirPods ka dhegaha ugu jira qofka la waraysanayo, iyo sida Sharma hadalka hal mar xataa uga soo dhex gelaynin Cabdijaliil. Qodobkan keligiis wax badan ma caddaynayo, laakiin marka lagu daro audio differencega, lighting ka, camera perspective ka, background blur ka iyo lens focu, wuxuu noqonayaa qayb kale oo isku xidhaysa shakiga.

Markaa, ma odhanayo waa caddayn buuxda in labada qof laba meelood oo kala duwan lagu duubay. Laakiin, haddii la yidhaahdo, “Maxaa kaa dhigay inaad shakido?” — jawaabtu waxay ku jirtaa production details ka muuqaalka laftiisa.

Mararka qaarkood waxa runta kuu sheegaya ma aha hadalka dadka e, waa waxa camera du si aan ula kac ahayn kuu tustay. Anigu taas ayaan eegayaa.

Cabdijaliil, dedaalkii ugu waynaa buu galiyay baan odhan karaa, haddii uu malahaygu rumoobo. Waxaanan u qirayaa, khibraddiisii, wakhtiga badan iyo ka shaqaynta arrimaha badan ee Content Creator-ka la xidhiidhay, inuu colors ka match gareeyo, dedaal waynna galiyay in aan la dareemin wuu sameeyay. Anigu waan falanqeeyay oo bilaa camal ahaan waxa camera-du i tustay ayaan eegay,oo ku raftay waliba.

Haddii ay beenowdo malahayga quseeyay ee aan qodabada u cuskaday, waa wax meesha ku jiray oo tayada muuqaal ka dhiman.

03/09/2026

kaptan ayuub oo harqaanle maskiina baadaya...... ゚

02/09/2026

Sorry ayaa inantaas helay, isna wuxuu rabaa kala kicis iyana daasad caanaa...

30/08/2026

Afarta nin ee la socday maxay ahaayeen waatana...
Mohamed Yusuf Bakayle

Photos from HIT A RUN's post 30/08/2026

Naagtaan aad aragtaan waxay iska furtay ninkeeda 9:00am subaxnimo, ninkii oo maxk**ada ka yimid ayaana iska aaday meel sharaabka lagu iibiyo kadibna wuxuu iibsaday dhali cabitaan ah, wuxuuna sidoo kale iibsaday tikid bakhtiyaanasiib si uu nasiibkiisa isaga tijaabiyo.

Ninkii ayaa si lama filaan ah guul taariikhi ah ku gaaray kadib markii uu nasiibkii ku helay 40 Million Dollar, sheekadii waxaa maqashay naagtiisii h**e ee furtay, waxayba durba u laabatay maxk**adii si lacagta loogu kala qeybiyo, ayadoo waliba dalbatay 20 Million, naagta ayaana ku dooday in ninka uu lacagta helay isla maalintii uu ayada furay, sidoo kale waxay doodeeda ku xoojisay in lambarada uu u adeegsaday nasiibka ay la xiriireen taariikho iyo dhacdooyin muhiim u ahaa noloshooda.

Kiiskii markii maxk**ada la geeyay waxaa cadaatay in ninka uu bakhtiyaanasiibka iibsaday isla maalintaas balse saacada ay aheyd 12:00pm, waana sadax saacadood kadib markii uu furriinka dhacay, sidoo kale ninkii ayaa beeniyay in lambarada ay ahaayeen kuwa taariikho muhiin ah, balse wuxuu sheegay in lambaro uu kumbiyuutarka u dooray qaatay, tikidka bakhtiyaanasiibkana iibsaday markii uu si rasmi ah u furay xaaskiisa.

Maxk**adii ayaana kiiska u xukmisay ninka waxaana naagtii loo sheegay in wax xuquuq ah ku laheyn lacagtaas ninkana ay ayada iska furtay oo furriinka xitaa dhankeeda ayuu ka yimid.

Kawarama hee sheekada naagtaas ku dhacday? 3 saacadood kaliya ayay ku waysay 20 Miilion Dollar.

Aar xaliimo degdega yaree 😆 🤣

Photos from HIT A RUN's post 30/08/2026

😭Waxaan helay ilmo la dayacay oo marinka dhismahayga yaalla, waxaanan ku koriyey sidii wiilkayga. Laakiin 17 sano kadib, hooyadii dhabta ahayd oo ahayd milyaneer ayaa soo noqotay... Waxa uu wiilku maxk**adda ka sheegay ayaa qof walba ka yaabiyey.

Subax jiilaal ah ayaan ilmaha ku arkay marinka dhismahayga oo ku yaalla Vallecas. Magacaygu waa María López. Waqtigaas waxaan jiray 30 sano, waxaanan ka shaqaynayey kaaliye caafimaad, anigoo kaligay noolaa.

Markii aan albaabka furay si aan qashinka u saaro, waxaan maqlay oohin yar oo daciif ah. Markii aan dibadda eegay, waxaan arkay ilmo yar oo ku duuban buste raqiis ah. Jidhkiisu aad buu u qabownaa.

Jeebkiisa waxaa ku jiray warqad yar oo la laabay, waxaana ku qornaa hal eray oo keliya:

“I cafi.”

Qof kale meesha k**a muuqan.

Waxaan wacay booliska iyo adeegyada bulshada, laakiin cidina ilmaha ma sheegan. Toddobaadyo badan oo waraaqo iyo baaritaanno ah kadib, waxaa la ii oggolaaday inaan si ku-meel-gaar ah u daryeelo ilmaha.

Waxaan u bixiyey Daniel.

Laakiin waxa loo yaqaanay “ku-meel-gaar” ayaa noqday nolol dhan.

Daniel wuxuu ku koray anigoo shaqooyin dhaadheer soo qabta, casharradana kula sameeya miiska jikada. Axad kasta waxaan u raaci jiray beerta si uu kubbad u ciyaaro.

Waligay k**a qarin runta. Wuxuu ogaa inuusan calooshayda ka dhalan, balse wuxuu ogaa in aan anigu doortay inaan isaga sii joogo.

Markii uu 12 jir ahaa, ayuu hal maalin igu yiri:

“Adigu hooyaday baad tahay, sababtoo ah waad joogtay.”

Taasi aniga waxay ahayd wax kasta.

Waxaan ahayn qoys dhab ah, inkastoo aan nolol hodan ah ku noolayn. Waxaan u kaydsaday waxbarashadiisa, isaga oo dadaal badan sameeyey oo si wanaagsan wax u bartay.

Laakiin wax walba way is beddeleen markii Daniel uu 17 sano jirsaday.

Waxaan helay warqad maxk**adeed.

Haweeney ayaa sheeganaysay masuuliyadda ilmaha.

Magaceedu wuxuu ahaa Isabella Cruz, haweeney maalqabeen ah oo leh silsilad hoteello waaweyn.

Qareenkeedu wuxuu maxk**adda keenay natiijo DNA ah oo caddeynaysay inay ahayd hooyadii dhabta ahayd.

Waxay sheegtay inay markii ay yarayd ku dhacday cabsi iyo cadaadis qoys, taasina ay sababtay inay ilmaheeda ka tagto.

Waxay tiri way uga mahadcelinaysaa inaan koriyey, laakiin hadda waxay aaminsanayd inay ahayd “xilligii saxda ahaa” ee ay wiilkeeda dib ugu soo celin lahayd nolosheeda.

Maxk**addii waxay noqotay mid dad badan soo jiidata.

Kaamirooyin, qareenno dhar qaali ah, dad badan iyo hadal-heyn.

Anigu waxaan dareemayey inaan ahay qof yar oo meel weyn taagan, laakiin go'aankayga waan ku adkaystay.

Waxaan keenay warbixinnadii iskuulka, diiwaannadii caafimaadka, iyo markhaatiyo deris ah oo caddeeyey sida aan Daniel u soo koriyey.

Isabella waxay ka hadashay fursadaha, waxbarashada wanaagsan iyo mustaqbalka quruxda badan ee ay siin karto.

Markii ugu dambaysay, Daniel ayaa loo yeeray.

Garsoorihii wuxuu ku yiri:

“Daniel, si xor ah ayaad u hadli kartaa. Maxaad rabtaa?”

Daniel wuu istaagay.

Neef dheer ayuu qaatay.

Wuxuu eegay garsoorihii...

Kadib wuxuu eegay Isabella...

Ugu dambayn, wuxuu eegay aniga.

Markaas ayuu yiri hal jumlad oo keliya...

Jumladdaas waxay maxk**addii oo dhan gelisay aamusnaan buuxda.

Qareennadii, garsoorihii iyo dadkii daawanayey dhammaantood waxay noqdeen kuwo hadal la’aan ah...

Laakiin maxuu Daniel yiri?

👉 la soco habeen danbe qisada oo dheer awgeed iskuna sii day inaad garato waxa wiilka yari odhan doono...

29/08/2026

oo iska xadiriyay tiktok xili uu ku fashilmay siyaasadii lagagana adkaaday xisbigii kulmiye......

Vil du plassere din offentlig person på toppen av Offentlig Person-listen i Oslo?
Klikk her for å få din Sponsede Oppføring.

Type

Nettsted

Adresse

Oslo

Varslinger

Vær den første som vet og la oss sende deg en e-post når HIT A RUN legger inn nyheter og kampanjer. Din e-postadresse vil ikke bli brukt til noe annet formål, og du kan når som helst melde deg av.

Abonnere

Vi vil varsle deg når noe skjer i Oslo.