Suxufi Rashiid Baarcad
waxaan ahay weriye soomaliyeed oo ku nool berbera..
Feysal abdi botaan oo caawa ka baxsaday xabsigii laascanood isaga iyo sadex askari oo kale
Qodobada ay shirkada maamusha dekeda berbera ee DPWORLD soo saartay waxa kamid ahaa kan hoos ku qoran oo dadwaynaha reer somaliland aad usoo dhaweeyeen
1:in Qofka Shaqaalaha ah Ee Gaadha 60 Jir Shirkada DPW Shaqada Ka Caydhin Doonto,Cidna Aan Ku Bedelayn Halka Markii H**e Qofka Marka Uu Waynaado Ee Uu Hawlgabo Loo Ogolaa Inuu Ehelkiisu Bedelo Taasina Qorshaha Cusubi Meesha Kasaaray.
Halkan qodob Shirkada DPWORLD way ku saxantahay aleen meeshu dhaxaltooyo maahee
Waa in dadka kale fursad la siiyo.
Berbera TV
Wiilkan oo lagu magacaabo jimcaale joyta kana mida dhalinyarada reer Berbera ee baraha bulshada isticmaasha gaar ahaan TikTok ayaa la sheegay inuu mudo ku xidhanyahay magaalada Hargeysa.
Lama sheegin sababta uu u xidhanyahay laakiin wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu u afduubanyahay maareeyaha dekedaha Somaliland cali maalin tacab inkastoo aan warkaas wali la xaqiijin..
Xeer-nidaamye Gudeedka DPW BERBERA MA waafaqsana Xeer Lr. 31/2020.
Xeer-nidaamiyaha Shirkadu wuxuu Jabiyey Qodobada Xeer Lr. 31/2020 ee kala ah:
1. 18(1) Muddada Fasaxa Umusha oo la yareeyey.
2. 23(5) Goynta Mushaharka oo loo adeegsaday ciqaab, shaqaalaha mushaharkooda ayaa laga jarayaa.
3. 45 Eris ama Burin Heshiis degdeg ah. Shaqaalihii oo aan la ogeysiin ayey Heshiiska ka baxaysaa Shirkadu.
4. 16(4) ilaa (7) fasax sanadeedka oo ay ka gubaan shaqaalaha. Shirkadu waxay gubtaa fasax sanadeedka u soo hadhsan shaqaalaha ee u gudba sannadka xiga haduu ka bato 5 cisho.
5. Qodobka 45 Eris Bilaa Ogeysiis ah oo ka balaadhan Xadka Xeerka
Xeer lr. 31/2020 wuxuu sheegay lix xaaladood oo shaqaalaha Bilaa Ogeysiis lagu eryi Karo, balse Shirkadu waxay ka gudubtay lixdaas xaaladood ee Xadka looga dhigtay Eriska Bilaa Ogeysiis ka ah.
Tallo Guud
Dib-u-eegis degdeg ah oo Xeer-nidaamiyaha Shirkada La xidhiidha, iyada oo la waafajinaayo Xeerka Guud, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah xeer Lr. 31/2020.
Waxa qoray abokor
Mid kamida sheekhyada la mahadiyey....
Waa maamulaha guud ee mu'asasada aflax ee magaalada Hargeysa Sheekh/Suldaan axmed madarsadan sida la sheegay wuxuu aasaasay 1997 waana mid kamida madarasadaha ugu waxbarashada fiican magaalada Hargeysa waxaana lagu bartaa quraaanka kariimka ah iyo culuumtiisa kala duwan
Waxaana ka aflaxay kumanaan qof oo somali oo dhan ah
Maamule Sheekh axmed wuxuu sameeyey nafhurid isagoo tacab wayn oo diini ah galiyey waana tusaale muujinaya halgan guulaystay oo uu Sheekh Axmed hogaamiyey.
Aflax waxay kaga soocantahay madarasadaha kale waa madarasada qudha ee ay dhigaan macalimiin dhamaantood wada mujaasiin ah (yacnii macalimiin bartay quraanka oo xifdiyey kadibna culuumtiisa qiraa'aadku u horeeyey bartay oo qaari miidhan ah.)
Dhinaca kale Sheekh Axmed wuxuu sameeyey shaqo abuur loo baahnaa oo waxa ka shaqeeya boqolaal macalin iyo shaqaale kale oo tiro badan.
Waana madarasada qudha ee aan arkay ee calankii dalku ka taaganyahay isla markaana cashuurta bixisa marka loo eego madaarista kale ee Hargeysa oo aan cashuurna bixin calanka dalkana kaba xanaaqa.
Waligaa ma dhigatay madarasada aflax adigu??
Shaqadii dadkiisu u dirteen ee ay ka rabeen wuu ka soo baxay.
Inuu gaal yahay Inuu xunyay iyo inuu wacan yay inuu Sahyuuni yahay ka hadli mayno lkn shaqadii dadkiisu ka rabeen uu hirgeliyay
Aduunka waa ku legend aakhirona janada ugama dhawid oo haduu maanta soo islaamo isagaa kaaga dhaw waayo waa bilaa danbi..
Diinteenu waxay sheegaysaa الاسلام يمحو ما قبلها
Shaqaalaha Dekada Magaalada oo aan wali xal laga gaadhin Cabashadii ay shaqo joojinta ku sameeyeen,
Dhacdo la yaab leh oo ka dhacday dalka Nigeria ayaa soo muujisay Nin tuug ah oo kamid ah tuugta dadka ku baadhata waddooyinka laguna magacaabo Deji Ayoola. Tuuga Ayoola ayaa kadib markii la soo qabtay lala yeeshay su'aalo-weydiin ku saabsan tuhun la xidhiidha in uu lacag ka xaday jeebka rakaab ka degey gaadhi Bus ah oo lagu magacaabo Ayodele Akerele oo xiligaa marayey aagga xaafada Ojodu Berger oo ah Xaafad camiran oo buuq badan, tuugta Ayoola su'aalo waydiinta ayaa lagula yeeshay xarunta "Kooxda Jawaab-celinta deg-degga ah "RRS" oo ku taal xaafada Alausa ee magaalada Ikeja.
Intii lagu guda jirey waraysiga baadhitaanka ee su'aalo-weydiinta falalkiisa tuugnimo ayay
lacag dhan1200 oo ah Naira-da Nigeria ka soo dhacday jeebka haweeneydii Police-ka ahayd ee su'aalaha baadhitaanka hagaysey, kadib Deji Ayoola markii uu arkay lacagta dhulka taala ee ka dhacday haweenayda Police-ka ah halkii uu ku war gelin lahaa lagacta ka dhacday ama ka gaabsan lahaa ayuu ka faa'iidaystey fursadda isaga oo lacagta u qaaday si degan oo aamusnaan ah kadibna jeebka gashaday, inkasta oo uu Ayoola Police-ka u hor fadhiyey baadhitaan tuugnimo oo su'aal waydiin ah kuna saabsan jeebka Ayodele Akerele ee uu baadhay haddana ciidanka Police-ku kadib markii ay ogaadeen lacagta maqan ee haweenayda ka dhacday isla markiiba, waxaa yimi tuhun kale oo ah tuugo hor leh oo ku wajahan tuuga gacanta fudud ee ay su'aalaha tuugnimadu ku socdaan, sidaa darteed Fadhigii baadhitaanka ayaa mar labaad isu beddelay fal cusub oo tuugo ah iyo dhacdo cusub oo ah mid filan-waa noqotay.
Tuuga Ayola markii ay Police-ku su'aalahooda ku hareereyeen, waxa uu qirtay in uu lacagta isagu qaaday balse waxa uu eedda dusha ka saaray oo falkiisa u nisbeeyey "Ibliiska" isaga oo sheegay in uu yahay camal shaydaan oo aanu iska celin karin rabitaankiisa xadista, xitaa isaga oo ku suggan qolka su'aalo-weydiinta Police-ka. Dhacdadan ayaa noqotay mid dad badan ka yaabisay sababta oo ah waxa ay ahayd mid aan caadi ahayn iyo meel aan laga filayn in ay ka dhacdo, maadaama uu tuhmanuhu u muuqday mid si shakhsi ah u bixiyey caddeymo cusub oo ku saabsan isla falkii loo haystay ee baadhitaanku u socdey.
Ninkan ayaa sheegay in mudo dheer oo uu ganacsiga ku jiray hadana si kasta ugu fashilmay oo uu horumar samayn kari waayey..
20 Sano Iyo 26 Shaqo Iyo 2026Da.
Zhaqooyinka Aan Ka soo Shaqeeyay illaa 2006dii.
1.kabadh Xalwadda iyo Nacnaca Aan ku iibin jiray.(lascanod)
2.Dukaan .(lascanod)
3.Dilaal mobilada iyo memoryada kala tuura berigii jaynaysku soo baxay.(lascanod)
4.Weel dhaqe hudheel ama maqaayad cunto.
(bosaso)
5.Kabadh Sigaar iyo moos.(bosaso)
6.Cagaarle (boosaaso).
7.Shaqaale Warshada biyaha shaafi (boosaaso).
8.Xamaali Dekadda (boosaaso).
9.Shaqaale airportka (boosaaso).
10.Dahab qote (Milxo)
11.boondeer Ama xisaabiye guri la dhisayo.(jabuuti)
12.Bulkeeti Rare.(muqdisho)
13.Qashin Gure(muqdisho).
14.kirishboy booyadaha biyaha(lascanod)
15.Roodhile(lascanod)
16.kuuli(lascanod)
17.waardiye(lascanod)
18.caawiye Nijaar(lascanod).
19.Xaraashle.(lascanod
20.Malab mudaawadle(lascanod)
21.Timajare(guumays)
22.Kabadh kutubta quraanka lagu furo (Muqdisho).
23.Huudhaydhle wareega (ceegaag/goljano/yeyle/guumays/lascanod/gambadhe tukaraq iwm)
24.Maqaayad Shaah Tabcoo Ha Tahriibin restaurant (lascanod)
25.Cabitaanle(buuhodle)
26.Xabaasuudle Macal Cadarle Wareega deegaamo badan.
Ha ku qiimayn noloshaada waxaad gaartay oo keliya; ku qiimee qofka aad noqotay si aad u gaarto waxaas. Haddii safarkaagu uu kaa dhigayo qof xikmad badan, anshax leh, daacad ah, oo dadka kale wax u tari kara, markaas xitaa maalmaha u muuqda kuwo aan waxba laga faa'iidin ayaa laga yaabaa inay dhisayaan wax aan lacag iyo sumcad lagu iibsan karin.
Dhis qofka ka dambeeya guusha; waayo, taasi waa aasaaska waara.
Waa intaas baytulqasidku
Napoleon Hill.
Waxa qoray xoghayaha dawladda hoose ee Degmada burco
Category
Website
Address
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Suxufi Rashiid Baarcad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.