Isir time
isir time waa shabakad warbaahineed oo warbixinno qoraal iyo muuqaal ah ka samaysa arrimaha siyaasadda, amniga, taariikhda, buugagga iyo sheekooyinka.
Waxa kale oo aannu idin la wadaagi doonnaa maqaallo. Waxa kale oo aannu idin la wadaagi doonnaa maqaallo aanu u aragnay in ay ka qayb qaadan karaan koboca habfekerka ee bulshada iyo filimo aannu soo koobi doonno is la markaanna aannu qoraal uu beddeli doonno. Arrimo badan oo si weyn uu taabanaya Soomaalida iyo Geeska Afrika oo la xidhiidha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimo bulsheed oo u baahan in baadhitaanno la gu sameeyo si ummadda Soomaalida iyo dunida ba wax badan uga fahman hannaansocodka arrimahaas, waa na mid ka mid ah sababaha waaweyn ee waajibka naga ga dhigaya in aan sameyno shabakaddan oo isku dayi doonta in ay buuxiso kaalmahaas aaannu u aragnay inay bulshada ku bannaan yihiin. Wakhtigan casriga ah waa lagama-maarmaan in la helo warbaahin ku eegta, dhexdhexaadna ah oo lagu kalsoonaan karo, sameynna karta warbixino iyo baadhitaanno saxaafadeed oo madax bannaan kadib na ummadda la wadaagta. kaalintaas ayaa ay shabakaddan warbahineed ee Isirtime uu taagan tahay inay buuxiso. Isir Time is a media website that provides written and video reports on political, security, history, books and stories. We will also share with you articles that we believe can contribute to the growth of the community's thinking and films that we will summarize and then edit. Many issues that greatly affect Somalis and the Horn of Africa related to politics, security, economics and social issues that require research to be done so that the Somali people and the world can understand more about the process of these issues, is one of the main reasons that make it our duty to create this website that will try to fill the gaps that we have seen in society. In this modern era, it is essential to find a media that is objective, neutral and trustworthy, that can conduct independent reports and press investigations and then share them with the community. This is the role that the Isirtime news network is poised to fill.
22/07/2026
Waa aabbe madow ah oo korsada saddex caruur ah oo u dhalay. xaaskiisu waa marwo taasha. isaga magacisu waa James St. Patrick wuxu lee yahay club new-York caan ka ah oo lugu caweyo habeenki magaca clubkiisu waa "true"-runta. shaqadiisa dhabta ahi waa ka ganacasiga mukhadaradka sharci darada ah. Magaca uu ku joogo dunida kale ee ganacasiga mukhadaradku waa "ghost" reer akhireed xitaa file-kiisa FBI-du gacanta ku hayso waxa ugu qoran ghost maha nin si fudud lo fur-furi karo qofnimadiisa dhabta ah!
James iyo ghost inay hal-qof isku yihiin dadku ma oga oo waa sir waxa og laba qof oo kaliya waa gabadha xaaskiisa ah ee taasha iyo saxiibkii thomas oo ka mida shabakaddiisa. Taashii waa qof leh caqli sareeya oo dacad u ah sayigeedda, nolosha inta ugu baddanna ay wada socden. Had iyo jeer waxay kalin sare ku leedahay arimaha adkaadda ee loo maaro waayo furfuriistooda oo iyada ayaa micnaysa keentanna xalkii lagu furdaamin lahaa. isagy waa nin leh laba shiqsiyadood oo an isku milmin, isla markaanna waa ninka ugu awooda weyn gudaha magaaladda new-York marka la joogo ganacasiga mukhadaradka waa assasaha kooxda qarsoodiga ah ee ka kooban 5-ta waxood." Haayadda FBI-du daba-galka kooxdan iyo qab-dhismeedkooda way ku wareertay qofka ugu sareya kooxdu waa James waa nin xogtiisa aad u ilaaliya waxa ugu qimaha badan nolosha ee uu wakhti galiya waa qoyskiisa ahmiyada labaadna wuxu siiyaa ganacasigiisa.'
waxa jira shaqsiyaad caajib ah oo ninkaan ku lamaan waa saxiibkiisii yarantii waa Thomas Patrick Egan oo ah dilaa, nolosha ka amiinsan hal-xeer oo ah wax dil kadibna yeelo awood aan cidna kusoo dhicin. Waa nin kaaso jeeda qoys mukhadaradku burburiyey Thomas abbahii Patrick Egan noloshiisa wuxu ku qatay jeel, hooyadiina waxay isticmasha oo qabatintay Cochinta iyo khamiriga oo waa islan yaab badani ku gadaman yahay nolosheedda, waa nin ka yimid reerka noocas ah oo wax kasta waa laga filan kara! Waa nin yaqan qofnimadiisa wuxu aad isaga ilaaliya inu galo nolol abbenimo ama gabadh jeclado kadibna nolosha uu nug-lado, dilka, dhaca, xatoyada iyo khamrigu waa wehalkiisa oo ciyaalnimo ayuu ku bilaabay hawshan tiro ma leh inta qof ee uu khaarajiyay balse waa saxiib dacad ah oo nafta u huri kara saxiibkiis James.
Arimaha oo u socda si dabiici ah kuna lamaan yihiin qorshe yaal adag oo habeeno badan loso jeeday ayaa wax kasta isu bedaleen si lama filan ah' clubka true oo ah meesha ay ku kulman habenkii dabaqada sare ee reer new-York ee ay isku illow siiyaan culusyadii shaqada ee malinimo, dhalinyaraduna ku jawi bedalato, ayaa goor fiid h**e ah waxa si kadis ah ugu kulmaya James iyo angela Valdes oo ah jacaylkiisi yarantii oo ay isug danbeysay 18-sano ka hor, waa gabadh qurux badan kana soo jeeddaa dalka mexica balse Maraykanka waligeed ku nooleed waa jacayl ciyaalnimo oo schoolka ayuu kaaso bilaab may, waa kulan sameyntiisa leh, habeenka lanbarada ayaa la kala qoranayaa, kaftan yar iyo aragtidu waa ii abshir ayaa lugu kala tageyaa, midba midka kale wuu u jeel qaba balse intaas la isuma dhafin, kulan-koodda waxaa meel fog indho cadhaysan kaga so eegaysa taash oo ah saddex dhal wali leh jidh nool waligeed kuma fakerin james ayaa gabadh kale eegaya." Balse caawaba dhacday!
James oo wakhtiga iyo waayuhu u taba-bareen danbi badhe ayaa badhis ku sameynayaa angel shaqadeeda dhabta ah, nasiib wanaag wuu ka awood badinayaa James oo markiiba wuxu oganayaa inay xubin sare ka tahay FBI waliba waaxda daba-galka mukhadaradka sharci darada ah warka yaabka lehi waxa weeyee inay iyaddu gacanta ku hayso file-kiisa badhitan oo ku raad-joogto so qabashada ghostiga wareeriyey FBI, waxay u sheeganaysaa inay tahay sharci yaqaanad FBI ka cawisa arimaha sharciga, labada qof waxa ka dhaxeyay jacayl sameyn ku yeshay nolosha labada qofba, james oo ah abbe xaas iyo caruuri uu joogto wuxu uu sheeganayaa angela in uu waligii iyada ka dhul sugayey dhanka kale angel waxay la wadagaysa inay filaysey marun inay dib uu midoban, is-arag dhowr mar ah wuxu james ilawayaa xaaskiisi iyo caruurtiisi, iyaduna wax kasta oo h**e way iska turaysa xita xidhidh ayaa la lahyed danbi badhe ayaa shaqo wadag ahyen uma joojinayso, waa kuwa galay duni jacaylku diin ka yahay oo midba midka kale dhansiyey jacayl ma kala xiiso dhacan imka waxay gadhen heer ayaa isla dhaxan hotel ayeey isla dagayaan imka waa lamane an kala ahan-karin, waa sunaha nolosha in nafta gooni loola baxo oo dib lo xasuusiyo malmo dhalinyarnimo, balse arinku inta waa ka badanayaa oo mawjad jacayl ah ayaa dib usoo maxanaysa kulmo galmo iyo baashaal ka dib waa rafiq h**e oo wakhtigu kala fogeyay labaddani wacna malmahood, noloshan quruxda badani ma si socon doonta?
dhinaca kale waxa dusha kala socota xidhidhkan iyo hadba halka uu marayo xaaska James waa taash oo addeegsanaysa darewalka James, waa shoon oo ah nin yar oo aan waligii gabadh wax la wadagin si indho la’aan ahan uu jecal marwadan la qaabo balse an mar qudha uu sheegan jiidhkeeda oo uu dusha ka dawado mooye habeno badanaa nafta wuu ku seexiyey isaga oo sariir la saran taasha, marwadan caqliga badan ee taasha ayaa marba in yar oo jidh keeda ah xariirta ah tusta darewalka bilaa khibradda ah ee shoon, kubka iyo meelo-kale ayaa marada uga-qaada marka ayuu ka yari xog hor leh oo xasaasi ah burqada oo James iyo kulmadiisa angel ka waramaa. Dhanka kale waxaa isna jeelka kaaso baxaya mid ka mida raga khatarta weyn ku ah James waa saxiibkiisii h**e ee damaca badnaa MR king. Kingka khatarta ahi waa heesagii madooba ee 50-cent oo filimkaan isaguna qayb ka ah wuxu dhalay darewalka James iyo taasha waa shoon oo waxa so koriyey James markii la xidhay king ama 50-cent balse king wuxu wax kasta ku bixinayaa inu dilo james hantida iyo sharkadanaa kala warego waa rajada ugu weyn ee uu le-yahay balse caloosha ayuu ku hasta mida, king waa wiil hoog raba waxa meesha yaalba inu isagu yeesho shirkada, hantida iyo hawsha socotaba uu gacanta ku dhigo, mudo uu meel ku dhumanayey kadib waxay kulmayan jemas, jemas laftarkiisu wuu og-yahay dhagarta ninkaas oo in badan wuu ka fejigan yahay,
Dhinaca kale James ayaa waxa badhis adag ku sameynaysa gabadhii angela ee ayaa haben oo dhan sariirta ku kulmayan iyo kooxdeeda FBI-da, balse isagu waa nin an ku dhici Karin dabin oo ma galo khalad sabaab uu noqda inu jeel galo inta badan xogtiisa wuu ka qarsanayaa balse aqoon badhiseed oo xeel fog ayaa loo addeegsanayaa, jacaylkeeda awgeed wuxu furayaa xiiskiisi h**e taasha, waxay isku dhacayan saaxiibkiisi Tommy dhinac kale kooxdii u kaaso iibsan jiray mukhadaradka ayay isku dhacayan. Kooxda amniga ilaalinta ee isaga iyo clubkiisa u xil sarnad ayaa iyaguna inqilaab ku sameynaya oo clubka kala waregayaa. James wuxu galayaa malmo badan oo hawshoodda wata balse waa xeel-dheere khabiir ku ah in arin kasta halkiisa lugu xaliyo sida ugu macqulsana hawlaha loo maareeyo."
filimka xalqadiisa uu h**eysa waxay hawda so gashay bishi June ee sanadkii 2014 filimku wuxu so dhamaday bishi February ee sanadkii 2020 waa 6-season wan 63-episod ‘xal-qadood’ waxa kalinta qimeynta filimada la siyey 8.1/10 waa kalin aad uu sareysa,
Runtii waa filin wax badan oo nolosha iyo wayaheeda gudbinayaa si gaar ah arimaha ka ganacsiga mukhadarka iyo dunida badhista dhinac kale waa jacayl iyo shir-qoolo, wuu dheer yahay filimku oo way adag-tahay in qoral lo badelo waxanaa jirta sabaab kale oo an ilaalinayo oo ah inan ixtraamo dawada oo dhacdoyin badan oo xiisahooda leh ugu tageyaa sida darted-naa maha inan filimka ka wada warmo.
W/Q Cabdifataax somali
Category
Website
Address
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Isir time posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.