Aweys Soona
Kusoo dhawaaw boggeyga rasmiga ah. Waxaad ka helaysaa wararka Soomaaliya, gobolka iyo dunidda.
Feylka Ciidamada Nabadsugida Iyo Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland ahna hoggaanka Guud Ee Amniga Gobolka Gedo Abdirashiid Janan
20/09/2026
Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland ahna hoggaanka Guud Ee Amniga Gobolka Abdirashiid Janan Ayaa Saaka Feyl Guud Kula Hadlay Ciidamada Nabadsugida Guutada Hilaac Ee Ka Howlgasha Degmooyinka Daawo Iyo Deegaanada Ku Teedsan
Taliyaha Ayaa Ciidamada U Sheegay In Cadowgoodu Uu Yahay Argagixisada Iyo Qofkii Ka Horyimaada Nabada Deegaanka Bulshadana Dhibaateeyo Kuwaasi Ay Yihiin Cadow La Iskana Qaban Doono
Taliyaha Ayaa Ciidamada Ku Amaanay Shaqooyinka Adag Iyo Masuuliyada Ay Gudanayaan waxaana Uu Balan Qaaday In Xuquuqdoodu Ay Heli Doonaan Maalmaha Fooda Inagu Soo Hayo
Nabadbaa Lagu Dedaalay
17/09/2026
Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland ahna hoggaanka Guud Ee Amniga Gobolka Abdirashiid Janan Ayaa Maanta Taliska Military Ee Uk Shir Kula Qaatay Saraakiisha Qeybaha Ciidanka Qalabka Sida Iyo Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada Balad-Xaawo
Ugu Horeyn Taliyaha Ayaa Saraakiisha Warbixin Ka Siiyay Safarkii Uu Ku Tagay Nairobi In Si Guul Leh Uu Kusoo Dhamaaday Iyo Sidoo Kale Taliyaha Nabadsugida Jubaland Abdirashiid Janan Waxaa Uu Kulan La Qaatay Madaxweyne Ahmed Madoobe Kulankaas Isfahan Buuxa Kusoo Dhamaaday Iyo In Lasii Adkeeyo Nabada Gobolka
Dhinaca Kale Taliye Abdirashiid Ayaa Saraakiisha Ciidamada Faray In Aysan Jirin Wax Cadaawad Ah Oo Ka Dhaxeysa Ciidanka Degan Cumar-Jilacow Hal Cadowna Leeyihiin Taliyaha Oo Mar Arintaasi Carrabka Ku Dhuftay Ayaa Yiri " Taliyaha Ciidanka Cumar-Jilacow Dalab Khaalid In Maanta Hadii Uu Yimaado Cid La Hadli Karto Aysan Jirin"
Ugu Dambeyn: Taliyaha Ayaa Ugu Mahadceliyay Saraakiisha Laamaha Kala Duwan Ee Ciidanka Maamulka Gobolka Iyo Kan Degmada Doorka Shariifka Ah Ee Ay Ka Qaadanayaan Nabad Kuwada Noolaan Shaha Dadkeena iyo Deegaankeena
Waa Ikanaa
Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland ahna Abaanduulka Nabadsugida Gobolada Gedo Iyo Jubooyinka Col. Abdirahman Muxumed Yalaxow
Ayaa Amray In La Dardar Galiyo Shaqooyinka Qaran Ee Hortabinta U Leh Bulshada Oo Ay Ugu Horeeyaan Ilaalinta Amniga. Shacabka Ku Dhaqan Degmada Balad-Xaawo Ayuu Korneylku Uga Mahadceliyay Sida Ay U Garab Taagan Yihiin Ciidamada Qalabka Sida Iyo Xaqiijinta Amaanka
Taliye Abdirahman Yalaxow Iyo Ururka Hilaac
Degmada Balad-Xaawo Iyo Deegaano Badan Oo Hoos Yimaada Waxaa Ku Hooray Raxmadii Alle Waana Laga Qabow Saday Alle Weyne Ayaa Ku Mahadsan
Kusimaha Taliyaha Nabadsugida Deegaanada Jubbaland Ahna Abaanduulka Nabadsugida Gobolada Gedo Iyo Jubooyinka Col. Abdirahman Muxumed Yalaxow Ayaa Maanta Feyl Guud Kula Hadlay Guutada Nabadsugida Hilaac Ee Ka Howl Gasha Degmooyinka Daawo Iyo Deegaanada Ku Teedsan
Fahad Yaasiin Iyo Shirkii Tuulada Dhamaso Oo Hoostagta Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo
Category
Website
Address
Garbahaarrey
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Aweys Soona posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.