Gabiley General Hospital
Waxaan u heellanahay badbaadinta nolosha, daryeel caafimaad oo wanaagsan.
Cusbitaalka Guud ee Gabiley waa xarun caafimaad oo heer gobol ah oo bixisa adeegyo caafimaad oo tayo sare leh, casri ah, isla markaana la jaanqaadaya baahida bulshada.
Documentary-ga Waxqabadka Cusbitaalka Guud ee Gabiley ee Sannadkii Dhamaaday ee 2025 - 2026.
Documentary-gani wuxuu ka warramayaa safarka Horumarka Iyo Isbeddelka Cusbitaalka Guud ee Gabiley, adeegyada cusub ee la Hirgaliyay, dadaalka shaqaalaha caafimaadka iyo himilada loo qabo mustaqbalka adeeg caafimaad oo tayo leh.
Tani ma aha oo keliya sheeko, waa sheeko Badalaysa Noshaada
🎥 Produced by Bilow Media
07/09/2026
Maxaad filaysaa caawa? ⏳
26/08/2026
Xaqiijin Shil Gaadhi.
Caawa shil gaadhi ayaa ka dhacay magaalada Gabiley, gaar ahaan Wadada Dhinaca Galbeed gaar ahaan Beerta Shinidda ee magaaladda, kaas oo ay isku dhaceen Laba gaadhi.
Shilkan ayaa sababay Dhaawaca 7 Qof oo midi Ilmo yar yahay Iyo Alle Haw naxariistee 1 Dhimasho ah.
Dhamaan dhaawacyada waxa lagu dabiibayaa Cusbitaalka Guud ee Gabiley halkaas oo ay bahda caafimaadku si hagar la’aan ah ugu hawlan yihiin badbaadinta nolosha dadka dhaawacmay.
Fariin ku socota darawallada, Fadlan iska yareeya xawaaraha gaadhiga, una hoggaansama shuruucda waddooyinka si loo ilaaliyo badqabka nafta, dadka kale iyo hantida.
16/08/2026
Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa magaalada Gabiley ku qabtay tababar muhiim ah oo ku saabsan maaraynta Iyo la tacaalidda dhaawacyada ka dhasha shilalka, kaas oo ay soo qabanqaabisay Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA).
Tababarkan waxaa bixinayay Dr. Khalid Sh. Abdilahi, oo ah dhakhtar takhasus sare u leh maaraynta iyo daawaynta dhaawacyada ka dhasha shilalka.
Tababarku wuxuu diiradda saaray sidii xirfadlayaasha caafimaadku u xoojin lahaayeen aqoontooda iyo xirfadahooda ku aaddan qiimaynta, maaraynta iyo daryeelka bukaannada qaba dhaawacyada shilalka, gaar ahaan xaaladaha u baahan gurmadka degdegga ah.
Maamulka Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa uga mahadnaqaya Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha xirfadlayaasha caafimaadka.
Sidoo kale, Cusbitaalku wuxuu u mahadnaqayaa dhammaan bahda caafimaadka ee ka qaybqaadatay tababarkan, gaar ahaan Dr. Khalid Sh. Abdilahi, iyo cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda iyo hirgelinta tababarka.
13/08/2026
OGAYSIIS – TABABARKA MAAREYNTA IYO LA TACAALIDDA DHAAWACYADA SHILALKA
Ururka Dhakhaatiirta Somaliland (SLMA) waxa uu magaalada Gabiley ku qabanayaa tababar ku saabsan habka loo maareeyo dhaawacyada ka dhasha shilalka.
Ka faa’iidayso fursaddan muhiimka ah oo kor u qaad aqoontaada iyo xirfadaada maaraynta bukaannada dhaawacyada qaba.
Date: 14 August 2026
Time: 8:00AM-5PM
📝 Isdiiwaangelinta ka samee halkan:
https://forms.gle/uVkoLXuvWYWRdquYA
13/08/2026
Ururka SAHA oo ay wakiil ka yihiin Dr. Hanfi iyo Dr. Cabdiraxmaan ayaa daawooyin Caafimaad soo gaadhsiiyey Qaybta La Tacaalidda Xanuunnada Aan Faafin (NCD Clinic) ee Cusbitaalka Guud ee Gabiley.
Deeqdan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah bukaannada ku xidhan xarunta, kuwaas oo muddo baahi weyn u qabay daawooyinkan iyo adeegyada caafimaad ee joogtada ah.
Maamulka Cusbitaalka Guud ee Gabiley ayaa uga mahadnaqay Ururka SAHA taageeradan muhiimka ah iyo doorka ay ka qaadanayaan daryeelka iyo horumarinta caafimaadka bulshada.
11/08/2026
TACSI TIIRAANYO LEH
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley Dr. Isaxaaq Sacuudi Aheekh waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan Doob oo aabbihii Marxuum Xasan Saleebaan Nuur uu ku geeriyooday Magaalada Gabiley.
Agaasimuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Guddoomiyaha Gobolka, Maxamuud Xasan Saleebaan Doob, dhammaan Ilma Xasan Saleebaan, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan qoyskii uu ka baxay Marxuumku.
Agaasimaha Cusbitaalku waxa uu Alle SWT uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, halka ehelkii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxayna uu Alle SWT ka siiyo samir iyo iimaan.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley, Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh, ayaa maanta Cusbitaalka ku soo dhaweeyey wefti khubaro caafimaad ah oo u dhashay Somaliland kana hawlgala Jaamacado iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Boqortooyada Midowday (UK).
Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd inay xog iyo warbixin ka helaan horumarka iyo adeegyada Cusbitaalka Guud ee Gabiley, isla markaana ay sahamiyaan fursadaha iskaashi ee lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka.
Khubarada ayaa ballanqaaday inay Cusbitaalka ka taageeri doonaan dhinacyada tababarrada shaqaalaha caafimaadka, cilmi-baadhista caafimaadka, iyo hirgelinta iyo aas-aaska Qaybta Indhaha (Eye Department) ee Cusbitaalka.
Ugu dambayn, Agaasimaha Cusbitaalka, Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh, ayaa si weyn ugu mahadnaqay Dr. Farhan iyo Dr. Cabdiraxmaan dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan dalkooda iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta adeegyada caafimaadka ee Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka Guud ee Gabiley.
22/07/2026
Waxaanu Maanta Dirays Cusub u samaynay Qaybta Umusha ama Hooyadda Iyo Dhalaanka Cusbitaalka Guud ee Gabiley.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo bilicda Iyo tayada shaqo ee Cusbitaalka Guud ee Gabiley.
Wafti sare oo uu hoggaaminayey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Daahir ayaa maanta booqasho shaqo Iyo kormeer ku yimid Cusbitaalka Guud ee Gabiley.
Waftiga ayaa kormeer ku soo maray qaybaha kala duwan ee cusbitaalka, iyagoo warbixin faahfaahsan ka dhegaystay Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Gabiley, Dr. Isaxaaq Sucuudi Sheekh taas oo ku saabsan horumarka adeegyada caafimaadka, mashaariicda ka hirgalay cusbitaalka iyo qorshayaasha horumarineed ee socda.
Safarkan waxa Wasiir Ku-xigeenka ku weheliyey Madaxda Mashruuca Damal Caafimaad Iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland kuwaas oo si dhow u indho-indheeyey adeegyada caafimaad ee laga bixiyo cusbitaalka, isla markaana bogaadiyey horumarka muuqda ee laga gaadhay kor u qaadista tayada adeegyada caafimaadka ee bulshada Gobolka Gabiley.
Category
Address
Gebiley
252
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Gabiley General Hospital posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.