GNN MEDIA

GNN MEDIA

Share

UNIQEU MEDIA SOLUTIONS

11/09/2026

Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland ayaa ku wargalisay bulshada in lasoo gabogabeeyay shalay, xaraynta codsiyada shaqooyinka dawladda ee dhawaan la shaaciyay.

Sidoo kale, Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladdu waxay bulshada uga digaysaa inay qaataan ama ku kalsoonaadaan wararka been-abuurka ah ee laga faafinayo shaqooyinka dawladda.

Photos from GNN MEDIA's post 05/09/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ง๐š๐›๐š๐ ๐š๐ก ๐ฎ๐ ๐š ๐๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐ƒ.๐‚.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ayaa si nabad ah uga degay Madaarka
Washington Dulles International Airport (IAD) ee magaalada Washington, D.C., halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka iyo saaxiibada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa safarka ku wehelinaya Marwada Koowaad ee Qaranka JSL, iyo xubno kale oo ka tirsan weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada
3. Wasiirka Gaashaandhigga
4. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha
5. La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Sidoo kale waftiga Madaxweynaha waxa ku soo biiri doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Wasiirka Madaxtooyada iyo La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah .

Muddada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku guda jiro safarkiisa shaqo ee dalka Maraykanka, waxa uu kulamo iyo wada-hadallo la yeelan doonaa masuuliyiin iyo dhinacyo muhiim ah, isaga oo diiradda saari doona xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha, maalgashiga, iyo taageerada qaddiyadda aqoonsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Safarkani ma aha oo keliya booqasho diblomaasiyadeed, balse waa juhdi Qaran oo lagu horumarinayo danaha, sumcadda iyo himilada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay Washington u gudbin doonaan aragtida Somaliland, xaqiiqadeeda siyaasadeed, doorkeeda istaraatiijiga ah iyo rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah in dalkoodu helo aqoonsi iyo xidhiidh caalami ah oo ku salaysan dano-wadaag iyo iskaashi midho-dhal ah.

Photos from GNN MEDIA's post 26/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa furay Madasha Wada-tashiga Dhinacyada Kala Duwan ee Tallaalka iyo Cidhibtirka Cudurka Dabaysha (Polio), taas oo ay isugu yimaaddeen masuuliyiin ka socday xukuumadda, hayโ€™adaha Qaramada Midoobay, bah-wadaagta horumarinta, shaqaalaha caafimaadka, bulshada iyo daneeyayaasha kale.

Madashan oo ay goobjoog ka ahaayeen, Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda, Isuduwayaasha Goboladda, madaxda Talaalada ee Goboladda iyo hay,addaha Bahwadaagta la ah Wasaradda, ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu qiimeeyo horumarka laga sameeyey cudurrada faafa ee tallaallada lagaga hortago, oo uu ka mid yahay cudurka dabayshu, isla markaana lagu falanqeeyo caqabadaha jira iyo fursadaha lagu sii xoojin karo adeegyada tallaalka ee dalka.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray dib-u-eegista guulihii iyo caqabadihii laga soo maray adeegyada tallaalka shantii sano ee u dambeeyey, qiimaynta xaaladda cudurka dabaysha iyo dadaallada lagu cidhibtirayo, xoojinta iskaashiga iyo isku-duwidda hayโ€™adaha dowladda, bah-wadaagta iyo bulshada, iyo sidii tallaalka loo gaadhsiin lahaa carruurta ku nool deegaannada fogfog, reer-guuraaga iyo goobaha ay adag tahay in la gaadho.

Sidoo kale, madashu waxay xoogga saartay sidii kor loogu qaadi lahaa gaadhsiinta tallaalka carruurta aan weligood helin tallaal (Zero-Dose Children) iyo kuwa ka baaqday qaar ka mid ah tallaallada muhiimka ah. Waxa kale oo lagu soo bandhigay Mudnaanta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Tallaalka 2026โ€“2030, iyadoo la isla meel dhigay tallaabooyinka iyo ballanqaadyada lagama maarmaanka u ah hirgelinta istaraatiijiyaddaas iyo dardargelinta hawlaha cidhibtirka cudurka dabaysha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda gaarka ah ee ay Wasaaraddu siinayso caafimaadka carruurta, isaga oo xusay in carruurtu yihiin mustaqbalka dalka, Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale tilmaamay in adeegyada caafimaadka carruurtu aanay ahayn adeeg keliya, balse ay yihiin maalgelin dhab ah oo lagu dhisayo mustaqbal caafimaad qaba, bulsho awood badan iyo qarannimo horumarsan.

Ugu dambayn, Agaasimaha Guud ayaa shahaado-sharaf ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ugu talagashay guddoonsiiyey Cusbitaalka Gaarka loo leeyahay ee Kaah, kaas oo noqday cusbitaalka tirada ugu badan ee carruurta tallaalay muddadii heshiiska wada-shaqayneed ee sannadkii h**e ay wada galeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo cusbitaallada gaarka loo leeyahay.

Shahaado-sharaftan ayaa ahayd aqoonsi iyo dhiirrigelin lagu maamuusayo doorka muuqda ee Cusbitaalka Kaah ku leeyahay xoojinta adeegyada tallaalka iyo ka qayb-qaadashadiisa dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka carruurta.

05/08/2026

Puntland oo Cagta Marisay Saldhiggii Ciidanka PSF ee Gaalkacayo.

05/08/2026

Baanka Somaliland iyo Baanka Adduunka (The World Bank) oo si wadajir ah u shaaciyey dhaqangelinta Mashruuca SPRING.

19/07/2026

Booliska maamulka magaalada Jigjiga ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane Tilaahun Ababe oo Xaday 7 Mobile oo arday Imtixaan galaysay dhigteen meherad uu ka shaqaynayay ninka la qabtay.

Booliska jigjiga oo ku jiray baadhista arrinka iyo soo qabashada Eedaysanaha ayaa saaka soo qabtay, kadib markii uu Xaday 6 Mobile oo Iphone ah iyo mid samsung ah oo ay arday imtixaan galaysay u dhiibatay.

Boolisku waxay dadka meheraha leh ugu baaqeen in ay hubiyaan dammaanadda dadka ay meheradahooda u dhiibayaan.

13/07/2026

Iska jir Qaniinyada Kaneecada, si aad uga Badbaado Xanuunka Ay Faafinayso(Dangue Fever)

13/07/2026

Hargeisa Yaa Dhisay?

Photos from GNN MEDIA's post 04/07/2026

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ข๐ข๐ฆ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐„๐ž ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ-๐›๐ข๐ฅ๐จ๐จ๐๐ค๐š Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL waxa hall-ka Shirarka Xarunta-dhexe ee Wasaaradda saaka uuga qabsoomay kulankii saddex-biloodlaha ahaa ee qiimaynta waxqabadka waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee hoos yimaada Wasaaradda, muddadii u dhaxaysay ๐€๐ฉ๐ซ๐ข๐ฅ โ€“ ๐‰๐ฎ๐ง๐ž , ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Kulan-hawleedka oo ay ka soo shaqaysay Waaxda Qorshayntu waxa guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐ž๐ง waxaana ku wehelinayey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda ๐Œ๐. ๐ˆ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐œ๐ข๐ข๐ฅ ๐Œ๐š๐ฐ๐ฅ๐ข๐ข๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ๐Œ๐. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐š๐ฅ๐ž๐ž๐›๐š๐š๐ง.

Intii uu kulanku socday, waxa si qoto dheer loo falanqeeyey warbixinaha waxqabad ee saddexda bilood, iyadoo dib-u-eegis lagu sameeyey guulihii la gaadhay iyo waliba wixii caqabaddo jiray. Natiijada ka soo baxday kulanka ayaa noqon doonto mid wax ka tarta toosinta jihada shaqo ee Wasaaradda, iyadoo laga soo saaray qodobbo hage u noqon doona waxqabadka mustaqbalka.

Qodobadaas waxa ka mid ahaa in Wasaaraddu xoogga saarto dardargelinta dakhliga Dawladda, xoojinta daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka, iyo kor u qaadidda tayada, xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha. Iyo waliba sidoo kale in shaqaalaha Wasaaraddu u hoggaansamaan xeerka Shaqaalaha Dawladda, kana fogaadaan ku lug lahaanshaha siyaasad iyo dacaayado lagu faafiyo warbaahinta.

Dhanka kale, waxa la goโ€™aamiyey in bulshada si joogto ah loola wadaago mashaariicda horumarineed ee laga maalgeliyo Miisaaniyadda Dawladda, si loo xoojiyo kalsoonida iyo wacyiga bulshada. Waxa kale oo la isla qaatay in la tayeeyo lana qurxiyo goobaha shaqada ee Wasaaradda, si loo abuuro jawi shaqo oo hufan oo dhiirrigeliya wax-soo-saar sare. Intaa waxa dheer, in maanka lagu hayo muhiimadda ay leedahay in Wasaaraddu xidhiidh wada-shaqayneed oo wanaagsan la yeelato hayโ€™addaha kale ee dawladda iyo kuwa madaxa-bannaan.

Gebogabadii kulanka, masuuliyiinta sare ee Wasaaradda ayaa ku booriyey dhammaan waaxyaha in ay si buuxda u hirgeliyaan qodobada ka soo baxay kulanka, socodsiinta hawlaha Waaxyahana ku saleeyaan Qorshaha Istiraatijiyadda shanta sano ee 2024โ€“2028 iyo qorshe-hawleedka sanadlaha ah ee ka farcama, si loo gaadho horumar dhaqaale oo waara iyo maamul-wanaag dhammaystiran.

Photos from GNN MEDIA's post 22/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud oo Hortagay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada JSL

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta hortagay Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo ka qayb galay kulan xog-waraysi iyo isla-xisaabtan ah oo la xidhiidha xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka dalka.

Kulanka oo ay shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada JSL, Marwo Aamina Cilmi Fariid, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda adeegyada caafimaadka dalka, heerka ay marayaan xarumaha caafimaadka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada.

Intii uu kulanku socday, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa guddida siiyey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda cusbitaallada dalka, xarumaha hooyada iyo dhallaanka (MCH-yada), xarumaha caafimaadka aasaasiga ah iyo guud ahaan adeegyada caafimaad ee laga bixiyo gobollada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Sidoo kale, xubnaha guddidu waxay masuuliyiinta Wasaaradda ka xog-waraysteen xaaladda shaqaalaha caafimaadka, helitaanka adeegyada caafimaadka, caqabadaha jira iyo dadaallada ay Wasaaraddu ku horumarinayso tayada iyo baaxadda adeegyada caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xuseen Bashiir Xirsi iyo Agaasimaha Guud Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa si waafi ah uga jawaabay suโ€™aalihii iyo weydiimihii ay xubnaha guddidu soo jeediyeen, iyaga oo la wadaagay xog iyo warbixinno la xidhiidha waxqabadka Wasaaradda, guulaha la gaadhay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo is-xogwaraysi wax-ku-ool ah, iyadoo la adkeeyey muhiimadda wada-shaqaynta hayโ€™adaha dawladda iyo doorka isla-xisaabtanku ku leeyahay horumarinta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadista daryeelka bulshada Somaliland.

Allah mahad leh
Abdishakuor Faahiye
Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Telephone

Address

Airport Road
Hargeisa
252

Opening Hours

09:00 - 17:00