Rahiim

Rahiim

Share

Jama

09/05/2025

Dalka Doorasha qof iyo cod ayaa dhacday Hassan iyo Farmaajo ayaa isku soo haray adiga yaa siin laheyd codkaaga?

Yaa guulesan lahaa labadooda ayee Kula tahay ?

Zakariye Timacadde

09/05/2025

Hindiya waxay iskudayday inay ka soo kabato fadeexada burburka diyaaradaheeda , kaddib markii warbaahinta Hindiya loo gudbiyay warka la xiriira inay ciidanka Hindiya soo rideen diyaarad F-16 ah oo ay lahaayeen ciidanka Pakistan , balse si caro leh sheegashadan waxaa u beeniyay Mareykanka oo diyaaradan soo saaray, iyadoo saraakiisha Mareykanka ay xaqiijiyeen inaysan Pakistan adeegsan diyaaradaha F-16 inta uu socdo iska horimaadka, sababtoo ah heshiiska ay ku heshay Pakistan diyaaradda F-16 , waxaa ku jiray inaysan ku weerarri karin Hindiya,sida ay baahisay Reuters.

Pakistan , ma adeegsan hubka iyo diyaaradaha galbeedka iyo Ruushka midna, illaa nidaamyada difaaca iyo raadaarka oo dhammaan ahaa wax soosaarka gudaha Pakistan iyo Shiinaha.

Fiiro gaar ah;

Hindiya waxay wajahaysaa fadeexadii u sarreeysay taariikhda dagaallada , kaddib markii wax ka yar 24 saac ay ku lumisay 6 diyaaradood oo ay ku jiraan kuwa jiilka 4.5 ee Faransiiska uu soo saaro ee Rafale oo mid kasta ay joogto $288 milyan oo ay weheliyaan tobannaan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn.

09/05/2025

Xildhibaan Cali Qaran oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa xukuumada madaxweyne Cirro ku eedeeyay in ay tiro is khilaafsan kasoo saartay tirada rasmiga ah ee ciidamada Madaniga ah ee la qarameeyay.

"Xukuumada madaxweyne Ciro iyo xisbigiisa oo Tirada ciidamada madaniga ah ee ciidamada lagu daray si kala duwan uga warbixiyey:-
1) Wasir Khadar 3000 askri
2) Guddomie Xirsi 6000 askari
3) Afhayeenka madaxweynaha 5000 askari.

Taasi waxa loo turjuman karaa inaan ilaa hada xog sugan aanay xukuumadu ka hayn tirada rasmiga ah ee ciidanka qaranka ku biirtay ama ujeedku yahay in tirada la yareeyo si deeganada kale aanay iyana u keenin tiro u dhigantan tirada saxda ah ee hada ciidanka ku biiray.

Marka ay sidaa tahay waxa ay tani meesha si toosa uga saaraysaa dheelitirka ciidanka Qaranka Somaliland isla markaan waxaa muuqanaysa in ciidanku u badan doonaan deegaano gaarah"

16/09/2022

Updi rahiim Journalist

Telephone

Website

Address

Sool