Maxamed Rasaas

Maxamed Rasaas

Share

Rasaas Media waxaad ka helaysaa warbixino,barnaamijyo,waraysiyo,iyo faalooyinka dhacdoyinka Soomaalia

15/09/2026

Dib ugu noqoshada shaqada Xarunta dhexe ee Puntland State TV Kadib Safar muddo bil kabadan qaatay.

Photos from Maxamed Rasaas's post 15/09/2026

Haweeneydii ISIS u qaabilsanayd arrimaha Shareecada ee guutada haweenka Nusaybah Katibah oo uu Maraykanku ku abaalmarinayo 5 million Ciddi xog ay leedahay keenta.

Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bixinaysa abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar oo lagu raadinayo xog ku saabsan Khadra Ciise, oo ahayd macallimad sare ee Shareecada ee guuto ISIS ah oo haween oo keliya ka kooban, laguna magacaabo Nusaybah Katibah (ISIS-NK).

Khadra, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, waa haweeney asal ahaan Soomaaliya kuna dhalatay oo haysata dhalashada Netherlands, waxayna sanadkii 2014 u safartay Syria si ay ugu biirto ISIS. Intii ay Syria joogtay ISIS-NK waxay si rasmi ah ugu tababartay isticmaalka hubka, walxaha qarxa iyo hawlgallada ismiidaaminta.

ISIS-NK waa guuto dagaalyahano haween keliya ka kooban waxaana lagu sameeyay Raqqah, Syria, sanadkii 2016, si loo qoro, loo abaabulo loona tababaro haween dagaalyahanno ah xirfado kala duwan oo dagaal iyo ciidanba leh. Xilligii ay ugu xoogga badnayd, Guutada ISIS-NK waxay lahayd dhowr boqol oo xubnood oo tababaran, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan iyo Yurub ah. Sida uu Mareykanku sheegay in xubnahan khatar gaar ah ku yihiin dalalka reer Galbeedka, maadaama ay si fudud u geli karaan dalalkaas isla markaana ula qabsan karaan bulshooyinkooda. Inkastoo tirada kooxda ay hoos u dhacday kadib markii ISIS laga adkaaday dhulalkii ay maamuli jirtay dhamaan lagala wareegay haddana kooxdu weli meelaha qaar way firfircoontahay.

Khadra Doorkeedii ISIS-NK waxay hoggaaminaysay koox si jujuub ah haweenka ugu dhaqan-gelinaysay waxa ISIS ugu yeertay sharciga Shareecada. Sida lagu sheegay xogta Mareykanka, Khadra waxay bixisay amarro sababay ciqaab jireed oo ay ka mid ahaayeen weerarro iyo xitaa dilal.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Khadra ay gacanta ku haysay carruur dhowr ah oo la afduubay ama si khasab ah loo kaxeeyay Sanadkii 2019, Caruurta ay gacanta ku haysay waxa ka mid ahaa laba walaalo ah oo Mareykan ah, Yusuf iyo Zahra Shikder, waxayna geysay meel aan la shaacin oo ku taalla Syria kadib markii hooyadood ay ku dhimatay weerar militari oo lagu qaaday ciidamada ISIS.

Hooyadaas carruurta dhashay ayaa 2015 carruurta si afduub ah ugu qaaday Syria si ay ugu biiraan ISIS, iyadoo aan haysan oggolaanshaha aabbahood.

Gabagabaddu: Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ogeysiinaya in uu bixinayo abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar qofkii keena xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise.

https://rewardsforjustice.net/rewards/khadra-essa/?

Photos from Maxamed Rasaas's post 13/09/2026

WARSAXAAFADEED:-Safarkii madaxweynaha dawladda Puntland ee Gobollada Mudug, Bari, iyo Raas Casayr.

11/09/2026

Tani waa Sheekada deegaanka Baarmadoobe oo ah deegaan ay kajiraan baahiyaha adeegyada aasaaska u ah Nolosha.

11/09/2026

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo gaaray Boosaaso kadib safar 8 bari ah oo uu kusoo maray deeggaanno hoos yimaadda gobollada Bari iyo Raas-Casayr.

11/09/2026

CARMO:-Waxaa hadda Bilaabmay munaasibadda soo xiritaanka Tababarka dufcadaha 11-aad iyo 12-aad ee ciidanka Booliiska Puntland.

11/09/2026

Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo tababar usoo xiray dufacadaha 11-aad iyo 12-aad ee ciidanka Police-ka Puntland kuwaa oo kusoo kala tababartay dugsiyada Tababarka ee Carmo iyo Godod.

10/09/2026

Sannad kahor Goobtan uu madaxweynuhu marayo iskadaa in madaxweyne ku safree, Gaadiidka Gaashaaman ayaan ku dhici jirin halis laga baqayo miinooyin iyo jid galba, Caawana wakaas madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni guusha mirihii dagaalka Calmiskaad isaga iyo dadkiisuba guranayaan oo si ammaan ah ugu kala gooshayaan dalkii oo nabad ah.

Puntland Guul🇸🇱💪

10/09/2026

Waxaan maanta booqday deegaanka Baar Madoobe ee hoos yimaadda degmada Xaafuun ee Gobolka Bari, waa deegaan Xeebeed ilaahay ku galladay khayraad dhul iyo berriba.

Tani waa wadada magaalada gasha oo ku hoos taal Buur aad udheer dadkeeduna gacanta kusamaysteen.

Dadka deegaanka oo aan la sheekaystay waxay ii sheegeen in deegaankaani yahay ka ugusoo waxsoosaarka badan dhanka Kalluumaysiga, nasiib darro-se hay'adihii dawliga ahaa ee bixin jiray adeegyada arrimaha Bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo inta la halmaasha ay dayaceen waligoodna masuul ka socdaa dawladda uusan soo booqan!

Waxaan soo wada Warbixin dheer oo ka hadlaysa baahiyaha deegaan ee Halkan kajira ee aan isla socono👀

09/09/2026

Haweenka Xaafuun💓

Category

Telephone

Address

Buuhoodle
Togdheer