SHIFA HOSPITAL
Ku soo Dhawow Page ka saxda ah ee SHIFA HOSPITAL
17/06/2026
📢 Wargelin Muhiim ah
Waxaan ku wargelinaynaa dhammaan bukaannada ku xiran Isbitaalka Takhasusiga SHIFA GENERAL HOSPITAL in uu si rasmi ah shaqada dib ugu soo laabtay:
Dr. mohamed ahmed abukar
Dr. mohamed wuxuu diyaar u yahay qaabilaadda iyo daaweynta dhammaan bukaannada u baahan adeegyada la xiriira cudurrada beerka, dheef-shiidka iyo baaritaannada dhamaan ee jirka.
📍 Kusoo booqo Isbitaalka Takhasusiga ah ee SHIFA GENERAL HOSPITAL si aad u hesho adeeg caafimaad oo tayo leh iyo daryeel caafimaad oo heer sare ah.
📞613004000. 063004000
26/05/2026
Hambalyo dhammaan ummadda muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idin kugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidda Carafo oo maalinka berri ah ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee ciidda.
Ciid wanaagsan.
25/05/2026
Qorshaha berri & 10 Qodob
Berri oo Salaasa ah idam Allah waa maalin wayn, waa maalintii carafa ee maalmaha ka tilmaannayd. Waa maalin ka mid ah bilaha xurmada leh, waa maalin ka mid ah tobankii maalmood ee Ilaahay ku dhaartay, waa maalintii Ilaahay diintan dhammaystiray, waa maalin soonkeeda lagu dhaafayo laba sano danbigood, waa maalinta ugu badan ee Ilaahay addoomihiisa naar ka xoreeyo, waa maalin ducada la ducaystaa ka qiimo badan tahay sannadka oo dhan ducaduna maqbuula tahay weliba.
Kolka aad berri u diyaar garoobayso intaas aan soo sheegnay oo dhan ayaad niyadda ku haynaysaa, wax kasta oo dhacana jaaniskaas iyo fursaddaas waad ku faro adaygaysaa oo sinnaba u oggolaan maysid inaad dayacdo.
Haddaba ka warrama haddii aynu qorshe kooban oo aynu maalintan wayn kaga faa’idaysanayno wadaagno. In aad jaaniska iyo kanshada kusoo marta ka faa’idaysaa waa mid ka mid sifooyinka guusha, dadka guulaystaana waa kuwa fursadda aan dayicin adduun iyo aakhiraba.
1. Carafa waxa ay ka bilaabmaysaa caawa kolka cadceeddu dhacdo, salaadda maqrib laga bilaabo ilaa berri cadceeddu ay dhacayso waa carafa, daqiiqad kastaa waa dahab, kolkaa isla caawa sii bilow waxqabadka, salaadda, dikriga iyo ducada oo ha sugin inta waagu beryayo.
2. Caawa h**e u seexo si aad cibaadada awood ugu heshid, ugu danbayn 10pm istuur (Geeska Afrika tusaale ahaan).
3. Saacadda ku buuxso badh kahor salaadda subax, (4:00am ex Hrg), tuko dhawr rakcadood oo salaatu layl ah, hal rakcad oo witir ahna kusoo xidh.
4. Suxuuro oo soon niyayso.
5. Salaadda subax iyo sunnaha ka horreeya Masjidka ku tuko, ragga gaar haan, habluhuna guriga.
6. Kobtaa aad ku tukatay muddo saacad ah iskaga digri inta cadceeddu soo baxayso, kaddibna laba rakcadood tuko si aad u hesho ajarka Cimro dhammaystiran.
7. Yar seexo haddii aad dareento inaad u baahan tahay, haddii kale dedaalka wad adiga oo maalintaada daqiiqad kasta ku buuxinaya xuska Ilaahay (Xuska ugu qaalisan maalintani waa Laa Ilaaha Illalaahu waxdahu laa shariika lah, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shay’in qadiir), Qur’aan aad akhrido, salaad iyo sadaqo wixii jaanisku kuu saamaxo.
8. Casar kaddib wixii loo gaadho usoo gacan bax duco oo gacmaha kor u taag, Ilaahay waydiiso wax kasta oo laabtaada ku jira adduun iyo aakhiro, haka daalin ee ku celceli inta qorraxdu ka dhacayso. Nafta, ehelka, asxaabta, dalka Iyo Islaamkaba ducada ku dar.
9. Afur oo xuska Ilaahay carrabkaagu haka qoyanaado.
10. Salaadaha faralka ah ee maalintaas gaadh ka hay oo yaanay kaa dayacmin, sunnayaashana raaci.
Ilaahay ha inna aqbalo. Aan isu soo ducaynno oo baryada Rabbi aynu isku xasuusanno.
La wadaag dadka kale khayrka
War caddaaday.
17/05/2026
10 maalmood ee ugu fadliga badan aduunka.
01/05/2026
hambalyo maalinta shaqaalaha aduunka.
19/03/2026
Dhammaan ummadda Muslimiinta ah gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaan idinkugu hambalyeynaynaa munaasabadda Ciidul Fidriga.
Ciid wanaagsan.
كل عام وانتم بخير ، تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال
18/03/2026
hambalyo hambalyo
Ramadan cup waa hanatay
shifa hospital.
13/03/2026
mar walba la soco keli yahaaga.
cab biyo badan maalintii.
Goray oo guuleysha
Goroy oo guuleysoy
Click here to claim your Sponsored Listing.