Ilays Library Initiative

Ilays Library Initiative

Share

ILAYS is a youth-led, non-profit organization strengthening Somalia’s library and information sector.

Guided by the belief that access to information supports development, ILAYS works with libraries through training, advocacy, consultancy, building.

08/09/2026

Sannad-guuradii 1aad ee ILAYS

Maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Akhris-qoraalka, waxaan u dabaaldegaynaa sannad-guuradii koowaad ee ILAYS Library Initiative.

Hal sano gudaheed, ILAYS waxay ka shaqaysay horumarinta maktabadaha, dhiirrigelinta akhriska, iyo fududaynta helitaanka aqoonta, iyadoo dhistay iskaashi iyo fursado waxbarasho.

Sanadka labaad waxaan sii xoojinaynaa:
📖 ILAYS Learning
🎓 ILAYS Coaching
💡 ILAYS Webinars

Mahad weyn dhammaan shuraakada, mutadawiciinta, taageerayaasha iyo bulshada qaybta ka noqday safarkan.

Hambalyo ILAYS! Hal sano ayaa naga dambaysa, safar ka weynna waa ina horyaallaa!

Photos from Ilays Library Initiative's post 05/06/2026

Xalay waxaa inoo qabsoomay kulankii billaha ahaa ee Board-ka iyo Volunteers-ka ILAYS. Wuxuuna ahaa kulan miro dhal ahaa kaasoo bahdu isku waydaarsatay, fikrado, iyo doodo muhiim ah.

Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan xubnaha ka qeybgalka iyo dadaalka ay muujiyeen iyadoo ILAYS uu sii korayo si tartiib tartiib ah.

—

Last night’s monthly ILAYS Board and Volunteers Meeting was filled with meaningful discussions, teamwork, and new ideas. 💙

Grateful for everyone’s participation and commitment as ILAYS continues to grow step by step.

02/06/2026

🙏❤️

Kusoo dhowow ILAYS Book Club

Waxaan si farxad leh usoo dhoweyneynaa Mullaaxo Geedi oo noqotay Book Club Coordinator-ka ILAYS Book Club ee hoos yimaada ILAYS Library Initiave.

Waxaan rajeynaynaa inaan si wadajir ah u dhisno bulsho jecel akhriska, doodaha buugaagta, iyo barashada bulshada.

01/06/2026

Waxaan ku faraxsannahay inaan soo dhaweyno Mullaaxo Geedi oo noqotay Book Club Coordinator-ka ILAYS Book Club ee hoos yimaada ILAYS Library Initiative. 💙

Jacaylka ay u qabto akhriska iyo xiriirka bulshada ayaa qeyb muhiim ah ka noqon doona safarkan cusub.

Kusoo dhowow kooxda, Mullaaxo.

—

We are pleased to welcome Mullaaxo Geedi as the Book Club Coordinator of ILAYS Book Club under ILAYS Library Initiative. 💙

Her passion for reading and community learning will be an important part of this new journey.

Welcome to the team, Mullaaxo.

27/05/2026

🌙 Eid Mubarak from ILAYS Library Initiative ✨

Wishing all our friends, supporters, students, librarians, and communities a joyful and blessed Eid.

May this special day bring peace, happiness, good health, and beautiful moments with your loved ones. 💙

Eid Mubarak to you and your family!

08/03/2026

Maanta waxaan u dabaaldegeynaa International Women's Day.

ILAYS Library Initiative waxay ku faraxsan tahay inay leedahay haween firfircoon oo door muhiim ah ka qaata horumarinta aqoonta iyo dhaqanka akhriska.

Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadaalka iyo ka qayb qaadashada Hawa Dhool Abdullahi, Kalsoon Karbuuno, iyo Aisha Hussein, kuwaas oo ka mid ah xubnaha haweenka ee si joogto ah u taageera himilada ILAYS.

Hambalyo dhammaan haweenka maanta iyo mar walba.

************************************************

Today we celebrate International Women's Day.

At ILAYS Library Initiative, we are proud to have dedicated women members who contribute to strengthening our work in education and libraries.

We especially recognize Hawa, Kalsoon, and Aisha for their commitment and support in advancing our mission of promoting knowledge and reading culture.

Happy International Women’s Day.

Photos from Ilays Library Initiative's post 11/02/2026

Maanta waa maalin ay bahda waxbarshada Soomaaliyeed u tahay Ilays iyo Iftiin!

Ilays Library Initiative (ILAYS) waxay si rasmi ah ugu biirtay Forum for Open Research in MENA (Middle East and North Africa) — shabakad goboleed (regional network) oo hormuud u ah Open Science iyo Open Research.

Ku biiristaan waxay xoojinaysaa dadaalkeenna ku aaddan:

• Sinnaanta helitaanka aqoonta (Knowledge Equity)
• Dhismaha nidaamka aqoonta (Knowledge Ecosystem) ee furan, loo wada siman yahay
• Kor u qaadista Open Access (Helitaan Furan) ee cilmi-baarista
• Xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo jaamacadaha heer gobol iyo caalami

Waxaan aaminsanahay in maktabaduhu yihiin xarunta horumarinta bulshada iyo kobcinta cilmi-baarista. Iskaashigan cusub wuxuu noo oggolaanayaa inaan codka maktabadaha Soomaaliyeed ku biirino doodaha goboleed iyo kuwa caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka aqoonta.

Safarku wuu socdaa — aqoontu waa furaha horumarka.

Halkaan ka aqriso war murtiyeedka arrinkan ku saabsan oo lagu daabacay page-ka FORM:

https://forumforopen.org/news/welcoming-our-newest-member-ilays-library-initiative/

Abdirahim Ifiye
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Somali Research & Education Network

31/12/2025

📚Goodbye 2025. Welcome 2026.

2025 was a year of reflection, learning, and rebuilding for ILAYS Library Initiative.
Behind the scenes, we strengthened our vision, reconnected with schools and librarians, and prepared practical models to support libraries and reading culture.

✨In 2026, we move into action:

School library pilot programs

Reading and literacy initiatives

Librarian support and capacity building

Stronger partnerships and better documentation

Our belief remains simple:

Every Somali learner deserves access to a library and the freedom to read.

Thank you to everyone who supported us quietly and publicly.
Let’s build libraries. Let’s build readers. Let’s build the future.

Abdirahim Mohamed Nor
Founder & Chairperson
ILAYS Library Initiative

22/12/2025

Sharing a small but meaningful moment for ILAYS Library Initiative. Our work is starting to be recognized internationally, which motivates us to continue building inclusive access to knowledge for Somali communities. More to come, insha’Allah 🙏❤️

Photos from Ilays Library Initiative's post 25/11/2025

Aasaasaha ahna Guddoomiyaha Ilays Library Initiative Usaad Abdirahim Ifiye ayaa maanta waxaa u soo geba-gaboobay maalinka sedaxaad ee shirweeynaha wadamada Carabta ee loogaga hadlo arimaha Maktabadaha iyo Macluumaadka(Library and Information) ee IFLA 2025.

Shirweynahan oo ahaa kii 36aad laguna qabtay Magaalada Doha ee waddankan Qatar 🇶🇦 ayaa waxaa kasoo qaybgalay wafuud kala duwan oo badankood ka kala yimid wadamada Carabta oo ay Soomaaliya kujirto. Waxaa markii ugu horeeysay shirkan Soomaali ahaan kasoo qaybgalay ilaa 5 qofood oo ka kala yimid meela kala duwan. Waana ifafaalo wanaagsan oo muujinaya in markaan Soomaalidu daneeyneeyso arimaha Maktabadaha.

Guddoomiyaha ayaa la kulmay inta shirka uu socday rag iyo dumar Carab, Afrikaan iyo wadamo kaleba , dadkaas oo isugu jira kuwa ay is yaqaaneen iyo kuwa sedaxda maalin un is barteen. Waxaynu u badnaaayeen diktooro iyo barafasooro ku ah cilimiga Maktabadaha iyo Macluumaadka.

Waxaan rajaynaynaa aqoontaas iyo fikradahaas uu halkaas kasoo helay inuu uga faa’iideeyo dalkeena Soomaaliyeed isagoo u maraya hay’adda Ilays oo aan rajeeynayno in mustaqbalka dhow wax badan ka badali doonno heerka maanta uu joogo aqriskeena iyo qoraalkeenaba.

Mahadsanidiin!

Website

Address

Kagujje, Katwe
Kampala