Timocade

Timocade

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Timocade, Entrepreneur, Jijiga.

Qoraaga Buuga Barashada Aas-aaska Caqliga Macmalka 📖 |AI Innovator | Working at SRS Bureau of Planning & Economic Development | Empowering Somali Youth through Tech 💻 & Education 🎓

01/08/2026

Raadinta aqoonta iyo horumarinta naftu waa safar maalinle ah oo u baahan samir iyo dedaal. Rabi hanoo barakeeyo wax kasta oo aan barano! 🤲📚

​

27/07/2026

🎥 Documentary-gan waxaan sameeyey sanadku markuu ahaa 2022. Maanta ayaan dib idiinla wadaagayaa. Daawada, ka dibna qiimeeya oo Comment ga iigu reeba fariintiina. 🙌

Duubista, edit-ka iyo codeynta intaba waxaa iska leh Timocade

27/07/2026

Al-ga ayaa hadda loo isticmaalaa go'aamada muhiimka ah ee caafimaadka, dhaqaalaha, iyo shaqooyinka maalinlaha ah ee dadweynaha, taas oo la micno ah inuu leeyahay saameyn wayn oo ku aadan nolosha binĂ­aadamka. Su'aalaha adag ee la iswaydiiyo waxaa kamida: Caqliga macmalka ah ama Al-gu mayahay mid masuuliyad qaadi kara? Taas oo lagawado in Al-gu yahay "qalab" ama mashiin aan dareen lahayn oo wax kasta ku saleynaya qaabkii loo tababarey. Sidaas darteed, mas'uuliyadda dhabta ah waxa ay dusha u saaran tahay dadkii farsameeyay iyo kuwa adeegsanaya.

Tani waxay ka dhigan tahay in haddii Al-gu sameeyo khalad, cidda mas'uuliyada qaadeysa ay tahay dhinacyada sameeyay ama ka faa'ĂŻideysanaya, sababtoo ah Al-gu malahan fahan iyo dareen sida biniaadamka oo kale ah. Hadaba, Maadaama Al-gu u baahan yahay in loo sameeyo nidaamyo iyo xeerar anshaxeed oo qeezaya habka ay tahay in loo isticmaalo iyo cidda qaadeysa mas'uuliyadda, ayaa dawlado iyo hay'ado cilmibaariseed isku dayayaan iney abuuraan sharciyo iyo xeerar ka ilaalinaya in Caqliga macmalka ah loo adeegsado si khaldan.

24/07/2026

Wax ka badan 60 arday ayaa ku guuleystay deeqdan waxbarasho kadib markii ay ku baaseen imtixaankii.

Anigoo ka qayb qaadanaya himilada Digital Ethiopia, waxaan diyaariyey barnaamij ardayda looga qaadayo imtixaan, si qof kasta oo ku guuleysta uu u helo koorsada AI Software Development oo 100% bilaash ah.

Barnaamijkan wuxuu ku soo beegmay xilliga tabarucaadka xagaaga, waxaana hadafkeennu yahay inaan 100 dhalinyaro ah sanadkan si lacag la'aan ah ugu tababarno xirfadaha AI iyo tiknoolajiyadda casriga ah, si ay ugu diyaar garoobaan mustaqbalka dijitaalka ah.

Photos from Xafiiska Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha DDS's post 21/07/2026
Photos from Timocade's post 20/07/2026

‎🏆 Alxamdulillaah! Waxaan ku guuleystay Kaalinta 1-aad tartankii ugu horreeyay ee Startup Pitch ee lagu qabto DDS, anigoo ku guuleystay abaalmarin lacageed oo dhan 80,000 Birr.
‎
‎Maanta waxay ahayd maalin taariikhi ah oo isku beegtay furitaanka SRS Innovation Hub oo ah xaruntii ugu horreysay ee hal-abuurka ee Deegaanka Laga hirgaliyo, Shirkii ugu horreeyay ee ICT Conference ah oo markiisii uhoreysay la qabtey, iyo tartankii ugu horreeyay ee Startup Pitch ee noociisa ah. Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan intaba ka qayb galo noqdo qofkii ku guuleystay tartankan islamarkaana baxay kaalinta 1-aad.
‎
‎Madasha waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar, waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin heer sare ah oo ka socday Ministry of Innovation and Technology - Ethiopia
‎
‎Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in si sharaf iyo meeqaam sare leh ay ii gudoon siiyeen Abaal marinta masuuliyiinta kala ah Mudane Mohamed Ali Gurey Wasiirka SRS Bureau of Innovation and Technology iyo Mudane Mohamed Yusuf Rooble (wandhu) Wasiir-ku-xigeenka Madaxtooyada DDS
‎
Mashruuca aan soo bandhignay ee aan abaalmarinta ku mutaysannay waa Gargaar AI, oo ka kooban afar AI Agents oo si wadajir ah uga shaqaynaya xallinta caqabadaha la xiriira diyaarinta iyo habaynta dukumentiyada xafiisyada. Waa xal ku dhisan Caqliga Macmalka ah (AI) oo loogu talagalay casriyeynta hab-socodka shaqada xafiisyada dowladda, kordhinta hufnaanta shaqada iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
‎
‎Guushani waxay dhiirrigelin utahay hal-abuurayaasha iyo dhallinyarada DDS.
‎
‎ M.y. Roble

19/07/2026

Ganacsiyada maanta horumara waa kuwa sida joogtada ah ula qabsada isbeddelka, kana faa'iidaysta fursadaha cusub ee tiknolojiyada.

Adigu sideed u aragtaa?
Maxaadse kula talin lahayd ganacsiyada yar yar ee Soo koraya?

chat.whatsapp.com 19/07/2026

Mar walba waxaan jecelahay inaan dhalinyarada la dareen noqdo, hadafkayguna waa inaan arko jiil teknoolajiyad iyo hal-abuur ku hubeysan.

Waxaan dhalinyarada deegaanka ee ku sugan Jigjiga u hayaa fursad aan ku bixinayo deeq waxbarasho oo aan kaga taageerayo barashada AI Software Development iyo Vibe Coding anigoo siin doona Koorsada aan diyaariyey ee AI Software Development Course.

Sida aan u qaybin doono fursadan, waxaan in ka badan 20 arday oo ah kuwa ugu dhibcaha sarreeya Imtixaanka aan qaadi doono siinayaa deeq 100% bilaash ah. Sidoo kale, waxaan ardayda kale ee iyaguna imtixaanka gudba u diyaariyay qiimo dhimis boqolkiiba 70 ah (70% OFF)

Fadlan share garee post gan si uu dhalinyaro badan oo u baahan ugaadho 🙏

Xusuusin:

đź“… Taariikhda: Arbaco, 22 July 2026.
đź•’ Saacadda: 4:00 PM.
📍 Goobta: Xarunta Dhalinyarada ee Jigjiga.
đź’» Shardi: La imow Laptop-kaaga.

Fadlan halkan guji si aad ugu biirto Group-ka u diyaar-garowga imtixaanka: 👇 https://chat.whatsapp.com/KnUtlNpc3T06oNrNG0vkcO

Aan wada horumarino mustaqbalkeenna!

​

chat.whatsapp.com

15/07/2026

SRTV Somali
Warbixin ku saabsan buugga "Barashada Aasaaska Caqliga Macmalka ah (AI)" iyo faa'iidada uu u leeyahay dhallinyaradeenna.
Muuqaalkan waxaan ku sharaxay nuxurka buugga iyo su'aalaha ugu muhiimsan ee ku saabsan AI.

Buugana waxaad ka heli kartaa
Ababiye Books (Jigjiga)
IQRA BOOKS (Somaliland)

​

12/07/2026

Success is not a destination, it is a continuous journey.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Jijiga?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Address


Jijiga