Muhammad Garaad

Muhammad Garaad

Share

“Erey ka wayn “waad mahadsan tihiin” oo abaalkiina wax ka gudi kara, garan maayo’e Guulaysta”💙🌸💚

22/09/2025

Waxay tidhi; maalin ayaan ninkaygii ku idhi ma laga yaaba mid iga qurux bdn in aad hesho oo aad iga tagto?

Markaasu igu yidhi: Illahay ha iga nabad-geliyo in aan mid kaa qurux bdn arko!

In aan tijaabiyo ayaan damcay oo saaxiibadday oo aad u qrx bdnayd ayaan meel ka tusay, wuuna ka helay oo haasaawe ayay is-weydaarsadeen, wayna is guursadeenba, lkn wy is'afgaran waayeen, markaasu isaga oo i doonaya igu soo laabtay, lkn naftayda ayaa diiday sidii ay ahayd in ay u noqoto, wuuna iskaga kay tegay oo markii ayaa iigu danbaysay!

Karaamadeedii ma aanay aqbalin isaga oo ka dhaqaaqay in uu haddana dib ugu soo laabto!

Waxa uu dhaawacay ruuxdeeda halkii ugu xeesha dheerayd, derbigii isku-hallaynta ee midkoodba uu dhinac kaga tiirsanaana wuu dumiyay!

Markaas oo kale si kasta oo qalbigu uu qofkaas u doonayaba nafta ayaa iskala waynaata.

Iyada lafteeduna gef weyn ayay samaysay markii ay imtixaanka gelisay!

Waa la fahmi karaa in qofku uu doonayo in uu ku xasilo kaalinta uu ku leeyahay galbiga gacalihiisa,

lkn qofka caqliga lihi ma oogo dab aanu damin karin, in uu gubaana ay suure tahayba.

Xadhkaha adduunka oo dhammi ma dabri karaan qof doonaya in uu tago, lkn wax xikmad ahi kuma jirto in aynnu gacallayaasheenna dhabbihii tegitaanka cagto u saarno!

Ka dibna aynnu eegno bal in ay raacaan jidkaas iyo in kale!

Ilaashigu waa difaac wanaagsan, qofku waxa uu doonayana waa in uu ilaashadaa, lkn ma aha in uu waayitaanka ku cariyo!

14/09/2025

Gabadha geerida ninkeeda dabadeed guursataa ma aha gabadh bilaa oofin ah, ninka geerida gabadhiisa ka dib guursadaana ma aha nin raaxaysi iyo dumar uun raadinaya!

Sunnaha nolosha aya sidaas ah, dadkii inaga horreeyayna sidaas ayay u dhaqmayeen kuwa inaga danbeeyaana ay u dhaqmi doonaan, xalaashana wax ceeb ahi kuma Jiraan, sharciguna ma sharciyeeyo wax laga khajilo ee dadka ayuun baa dadka nolosha ku cidhiidhya!

Gabadha doonaysa in ay xasuusta ninkeeda la noolaataa waa hawl iyada u taalla, ta guursanaysaana sidoo kale, cid ehelkeeda ah iyo cid ehelka ninkeeda ah midina xaq uma laha in ay dookheeda iska hor taagaan iyaga oo ugu andacoonaya in aanay oofin u yeelanin ninkeedii dhintay!

Wax kasta oo gabadha laga sheegayo ninkana waa lag sheegayaa.
Waxa aynnu nahay aadame laf iyo cad ka samaysan, qof kastaana waxa uu leeyahay baahiyo jidh ahaaneed iyo kuwo ruux ahaaneed oo in la haqabtiro u baahan si ay noloshu ugu hagaagto, ee ha ka yeelina cidina in ay ciida idinku rogto idinka oo nool.

Waxaan odhan karaa sooyaalka aadamaha oo dhan sida uu suubbanuhu khadiija u jeclaaday weligeed nin gabadh uma aanu jeclaanin, lkn markii ay dhanka Rabbigeed aaday inta uu dhaawaciisii dhayday ayuu fursad labaad isa siiyay si uu wax u jeclaado, isagana loo jeclaado.

Wllhy raadkii waayitaankeedu wuu ka muuqanayay oo cid kasta oo taqaanaaba way ka arkaysay!

Sidaas oo kale aqbal khasaarahaaga, dhaawacaagana dhayo, naftaadana sii fursad labaad waad mudan tahaye.
Ha ku dhex noolaan xayndaabka dhaawacaaga, murugadaadana maxbuus ha u noqon.

04/05/2024

Aad buu ii soo jiitaa qofka debecsani;
shahaadooyinku ima cajab geliyaan; teetalladu ima maanqaadaan; hantida aad haysatana waxba igama gelin; waxaasoo dhan adaa leh. Se debecsanaantaada iyo isdhul-dhiggaaga; kuwaas ayaa qalbigayga hantiya!

Aad baan ula dhacaa qofka hadalkiisa si miisaaman u xusha si aanu cidna u dhaawicin. Haddii uu hadlana aad moodayso inuu madaxa kuu salaaxayo, haddii uu eray dhahana aad moodayso inuu nabar dhayayo!

Aad baan uga helaa midka dadka caadiga ah u debecsan; midka u dhoollacad­deeya askariga waddada taagan iyo xamaaliga xoogsanaaya, sicir intii ka qaalisanna wax kaga iib­sada qofka saboolka ah ee alaabaha suuqa la wareegaya!

Aad baan ula ashqaraaraa qofka marka uu gurigiisa yimaaddaba, ay timaaddo farxadda iyo xasilloonidu. Midka xaaskiisa u laabqaboojiya, wiilkiisa madaxa u salaaxa, inantisana laabta geliya; sida roobka oo kale, marka uu yimaaddo raynrayn gudaha laga dareemo!

Aad baan u qaddariyaa midka shaqadiisa tayeeya, dadka kale shaqadooda aan ku mashquulin, wanaagga la jeclaada, una arka guushoodu inaanay guushiisa waxba u dhimayn, cidkastana inay wax u hagaagaan ugu duceeya!

Waan jeclahay qofka dunida u arka meel safar lagu yahay, waxa ugu wanaagsanna ee uu kaga sii tegi karaana uu yahay saamayn wanaag­san!

26/03/2024

Markii aan is khilaafnay 11 bilood ka dib ayaan messengerka uga diray 'i cafi waan kugu khaldamay'.

Markii uu soo jawaabi waayay ayaan raadiyay waxaan ogaaday in uu 4 bilood ka hor geeriyooday.

Uma uu qalmayn in aan sidaa ku kala dhimanno, uma uu qalmayn in aan geeridiisa iyo xanuunkiisa ogaan waayo.

Farriintaas aan diray waxay igu noqotay farriintii ugu xanuunka badnayd.

In badan ayuu noolaa oo uu diyaar u ahaa in aan garnaqsanno. Dembigaas aan galay waxaa ciqaab la iiga dhigay in aan weligay xasuusta xanuunkeeda qalbiga ku sito.

Ilaahayoow ciqaabta waan maray ee isaga u naxariiso, dembigiisana dhaaf.

Maariya cismaan

21/02/2024

Geerida waalidka midkood geeriyoodaa guud ahaanba waxa ay bedeshaa laxawga gudeed ee ilmaha inta uu doonto ha leekaado e, maalinta dhimashadii aad dhegta ka maqli jirtay albaabkaaga Soo garaacdo ee tiirarkii nolosha mid ka mid ah la fuqdo waxa caad ka faydmayaa dhaayihii dhaldhalaalka aduun jiitay, waxaad dhab u yaqiinsanaysaa in la dheelmanayo oo dhabadaa lawada hayo, masii ahaanaysid qofkii aad ahayd, uma fikiraysid qaabkii aad u fikiri jirtay, naftaadu way nuglaanaysaa oo nabar aan ba'ayn ayaa ruuxdaada Soo gaadhaya.

22/09/2023

"Ma og tahay dadku waa haddiyad aan dib loo heli karin, haddii aad mar lumisana sidaa aad ku waayi doonto qiimahooda".

Qofka aad is barataan haddii is fahan idin dhex maro kaddib, inta aad laabta isku furtaan xidhiidh ku heshiisaan oo aad isku hallayso noloshiisa oo dhan, waa hadaf iyo guul markaa kuu muuqda quruxdooda.

Dhanka kale, masaafada xidhiidhka aad wada qaadeen inta aad ku gudo jirtaan, haddii aad isku garan waydaan ama uu qofkiin noqon waayo kii la rajeeynaayay oo aan laga helin wixii laga dhex baarayay, haddii aad isku qabataan dabciga aan ku cajib galin micnaheedu ma aha in uu xun yahay ama aad adigu ka daldoorsanayso.

Ma qasab baa in aad nacayb u qaado oo aad wajiga siin kari waydo, shaqsi aad shalay adduunka isaga ugu jeclayd?

Sidee ayaa aad u noqon kartaa laba qof oo midna jacayl bixiya kan kalana nacayb ugu beddela, waliba isla qofkii aad u baahnayd.?

Sideedaba barashada dadku mahdin bay mudan tahay, haku xummeeyaan ama haku wanaajiyaane,

Anigu la joog oo xidhiidh kiisa ku sii dhex jir kuma lihi, laakiin waxa jira kala tag wanaagsan oo is nacayb ka fog.

Qofka u tag oo raalli gali haddii xataa aad khilaaf iyo xanaaq ku kala maqnaydeen.

Tus in aanu ahayn wax aad ku ciyaaraysay ama aad wakhtiga ku lumminaysay ee uu ahaa qof aad lammaanahaaga aad ka dhex raadisay, laakiin aad ka wayday mudnaan iyo maan aad ku wada joogtaan.

Qofkaasi calool fayoobi iyo qoomamo la aan buu kaaga tagi doonaa, adna waa aad ka xoroobi xasuusaha qadhaadh ee qalbigaaga ku hadhi lahaa, waayo si qurux badan baa aad ugasoo faro baxday noloshiisa kuna soo macsalaamaysay.

Runta kali ah ee aan ognahay baa ah in aanu qofka saxda ahi na cidlayn doonin waxwalba oo dhaca adduunkaan dushiisa.

29/08/2023

Waxa aad i weydiinaysaa sida aan u dareemo farxadda?

Aniguna waxan ku leeyahay,
Farxaddu waxa ay ku jirtaa waxbixinta saaxiib.
Waxa ay ku jirtaa qof niyad jabsan oo aad niyadda u dhisto, ka dibna aad dareento, in niyaddaas la dhisay ayba taada tahay!

Waxa ay ku jirtaa dhaban murugaysan oo illin ka qubanaysay aad ka masaxday, ka dibna aad dareento in qofka ilmada laga masaxayaa uu adiga yahay!

Waxa ay ku jirtaa sadaqo aad qof faqiir ah gacanta u gelisay, ka dibna aad dareento in aad tahay qofka lacagtaas qaatay ee aadan ahayn ka bixiyay!

Waxa ay ku jirtaa miskiin Isaga oo taag daran oo xaalad aanu waxba iska dhicin karaynin ku jira aad u hiilisay, ka dibna aad dareentay in guushiisu ay tahay guushaada!

Waxa ay ku jirtaa in aad dad isku dhacsan heshiisiiso, ka dibna aad dareento naftaada oo aad muddo kala maqnaydeen in aad dib isugu soo laabateen!

Farxaddu waxa ay ku jirtaa gacanta illahay saaxiib, ee meel illahay ka durugsan ha ka raadin!

02/08/2023

Dhaaxay raalligelintu soo ahayd astaanta ilbaxnimada iyo maan-furnaanta, balse dhacdo kastaba kuma habboona raalligelinta iyo cudurdaarashada!

Cidurdaarashada iyo raalligelintu waxa ay macne sameeyaan, marka aad lugtayda qasdi la'aan ugu joogsato, ee macne ma sameeyaan marka aad qalbigayga ku joogsato!

Ama marka aad iga jabiso qalin ama koob aan jecelahay, ee ma aha marka aad niyaddayda jebiso!

Ama marka aad iga jeexdo jaldiga buug igu qaali ah oo aan ku ammaanaysiiyay, ee ma aha marka aad dhaawacdo karaamadayda aan kugu aaminay!

Saaxiib; waxa jira kefaf aanay waxba ka tarin weedha ah " waan ka xumahay!"
Waxa jira gefaf aan la cafiyi karin, sida in aad isku taagto halka i xanuunaysa, adiga oo og in xanuunka ay xanuun ka badan iigu sii darayso!

Ama in aan kuu sheego sir xataa aan naftayda in aan ka qariyo ku dhowaa, oo aan ku arko adigii oo igula dagaallamayaba!

Amaba in aan kuu dhigo halka ugu qotada dheer qalbigayga, oo aan ku arko adiga oo fasahaadin la dhex jooga!

Saaxiib; dhacdooyinka qaar lama hagaajin karo, biyahana ma dhacdo aalaba in halkii ay ka soo burqadeen ay ku laabtaan, haddii ay ku laabtaanna waxa ay noqonayaan biyo wasakhaysan, qofna ma doonayo biyo wasakh ah xataa haddii uu harraad u dhimanayo, ee ha ii cudur daaran, iyada oo mindidaada uu dhiiggaygii ka da'ayo!

I rumayso; in aad aamusnaan igu dhaafto ayaa aniga iyo adigaba i noo habboon!

Waxba ha ii cudur daaran, adiga oo qalbigayga ka qoday god aanay buuxinayn dhammaan erayadaadaas aad iigu niyad-dhisayso ee aan macnaha ii samaynayni!

Saaxiib; ha ii soo laaban mar haddii adiga oo gacanta igu haysta aad iga tagtay!

Nabaadiino saaxiib.

30/05/2023

"Waan aqbalaa amaan kasta oo dhankaga iiga timaadda, hadaL kasta oo aad I tidhaahdana waan aaminaa, waayo waan ogahay inay kaa dhab yihiin, maxaa yeelay waxba igagama sasabanaysid, umana baahnid inaad iska Kay dhaadhiciso."

19/05/2023

Maalin maalmaha ka mid ah ayaanu nidhi dhimasho mooyaane kala tagi mayno; Haddana waxwalba way dhamaadeen...

Waxay ka mid tahay waxyaabaha kordhiya khiyaalka xidhiidhada, ilaa heer marku xidhiidhkaasi dhamaado aad odhan lahayd: "Igu celi meeshii aan joogay ka hor intaanan kula kulmin, ka dibna bax.

" Waxay ka dhigan tahay ka hor intaanu hilowgu ku indho-tirin inaad lahayd jadwalkale, si tartiib ah ayaad maalin walba uga tegaysay waxyaabo aad qaban jirtey saacadaha qaar adigoo jeclaysanaya hadalka idin dhex maraya in aanu kala go'in, waxkasta oo muhiim ahaa, dib inaad u dhigto ayey noqotey.

Erayo badan,naf-hur, jeclaysi, qadarin, waqti iyo weliba dheeraad kale ayaad bixinaysay muddo, taasi waxay noqotaa mararka qaar dhisitaanka guri qurux badan iyo helitaanka qof kula mid ah, se badanka xidhiidho ayaa jira kusoo afmeerma hal-ku-dhiga sare, waxaana ku adkaata qofku inuu ku noqdo noloshiisii caadiga ahayd, kelinimadiisii, qorshayaashii waraaqaha jacaylku ka daahiyeen.

05/05/2023

Naftaydi qaaliga ahaydeey:
Haddii aanay cidi h**e kuugu sheegin, aan kuu sheego hadda e: “ waan ku jeclahay “.
Waan jeclahay sida aad u dhoollacaddayso dhoollacaddayn daacad ah.

Waan jeclahay qaabka aad u daryeesho dadka aad jeceshahay; ee aad waqtiga ugu hesho si kasta oo aad mashquul u tahay.

Waan jeclahay qaabka aad u aaminto in wax wanaagsani ay dhici doonaan xitaa iyada oo u muuqata in aanay suurtagal ahayn.

Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan tahay dadka iyo in markasta gudahooda uu wanaag ku duugan yahay.

Waan jeclahay qaabka aad u dhegaysato dadka marka ay kaaga sheekaynayaan qisooyinkooda.

Waan jeclahay sida aanad dadka u xukminin markiiba ee aad dhankooda wax uga eegto.

Waan jeclahay qaabka aad u eegto dadka indhahooda ee aad u ogaatid in ay wax badan ku qarinayaan qalbiyadooda; ugu qarinayaan caqabadahooda iyo xanuunadooda.

Waan jeclahay qaabka aad u aaminsan tahay nolosha iyo in ay jiraan waxyaabo badan oo weli u baahan in la daahfaydo.

Waan jeclahay sida aad u jeceshahay waxbarashada ee aad u xiisayso in aad marwalba wax cusub baratid, ka baratid nolosha iyo dadkaba.

Sidaada ayaan kugu jeclahay nafyahay, waayo sida aad og tahayba waxa aad tahay mid dadka kale ka duwan.

Want your public figure to be the top-listed Public Figure in Burco?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Qasabka
Burco