Eng. Abdirisak -Nagiib

Eng. Abdirisak -Nagiib

Share

Abdirisak is a skilled Civil Engineer, creative Designer and experienced Lecturer with a strong background in structural design and sustainable construction.

19/08/2026

Billaahi calaykum kelmaddaa inaga saxa.

18/08/2026

Xagga Alle Ka yimi, Alle dartii u samaynaya allena xaggiisa u laaban doona.

18/08/2026

Xiniinyo yeeloo xabxabka iibso!

17/08/2026

Caafimaadka dalkeennu waa silloonyahay! Q.2aad.

Markii aan Addis tagnay, dhakhtar takhasus ah oo ah Ka Addis ugu wanaagsan baan la kunay.

Kaambiyuutarkii hargaysa la yidhi $1100 isagu $350 buu noqday. Markii la saaray waxa la ogaaday in saddex halbawle yar yaraadeen loona baahanyahay in la sameeyo PCI si xididaa loo ballaadhiyo. Waa kii halkii xididba hargaysa la iga yidhi $4000 halkan waxa ay noqotay $1350 halkii xididba. Cajiib. Waa saddex jeer laab wax Ku dhow. Si saddexda xididba loo furo hargaysa waxa loo baahnaa $12'000 Addis na waxa ay noqotay $4050. Waxaa intaa dheeraa in sariirtu halkii habeen dhakhtarka hargaysa tahay $100 halka kii Addis qolka VIP gu $10 Ka yaraa.

Dhakhtarka waxa aan Ku kulanay inan isna reer burco ah oo adeerkii sida aabahay loo hayay. Waxa uu ii sheegay in Isla dhakhtarkii hargaysa aan soo aragnay ay adeerkood geeyeen qiimaha aan sheegayna loo sheegay ayna ogolaadeen odaygiina dhigeen. Wuxuu ii sheegay in laba habeen oo ay lacagta $1100 raadinayeen sariirtu habeenkiiba noqotay $100 markaana ay Iskaga yimaadeen.

Waxa kale oo aan Isla dhakhtarka Ku aragnay nin ay masuul Somaliland ah walaalo yihiin oo isna hooyadii oo Isla dhibtaas haysato wada. Nin kale oo shaqaale dawladeed ah oo hargaysa Ka yimi oo Isla xanuunkaa Ka cabanaya ayaan Ku kulanay dhakhtarka.

Bal isweydii qofka miskiinka ah ee danyarta ah ee Somaliland jooga ee xanuunkaasi hayo itoobiyana aan tagi karin qarashka intaa le'eg ee hargaysa lagu weydiinayana aan haysan sidee buu yeelayaa?

Intaasi waa sixir bararka is kor fuulay ee aan caqligaba lagu darayn ee Ku habsaday waaxdii caafimaadka. Sida aan h**e u sheegay in uu baa nafis la dareemi lahaa haddii sixir bararkaa waxyar oo tayo ahi wehelin lahayd.

Waxa laga yaabaa qof walba oo inaga mida in uu hayo qiso iyo qisooyin dhakhtar kasoo martay oo wada yaab iyo fajac leh. Qaar badan oo aan goob joog u ahaa ayaan tilmaami doonaa aniga oo aan cid gaar ah ama dhakhtar gaar ah magacaabayn.

17/08/2026

Xaaladda caafimaad ee dalkeennu waa silloonyahay! Q.1aad.

Laga bilaabo 2022kii ilaa 2026kii sagaal jeer baan itoobiya hawlo caafimaad ugu safray anoo aabahay wada, laba jeer oo Harar ah, mar diridhaba ah iyo lix jeer oo Addis Ababa ah, marqaati baan Ka ahay xogtaa sawirkan hoose lagu ururiyay iyo in Ka badanba. Waa xog qofka diyaariyay xaqiiqada Ku saleeyay.

Aabahay 2012kii baa xaalad caafimaad oo dhanka wadnaha ah lasoo deristay, 12 sanno ka dib ayaa qoysku go'aansadeen in itoobiya loo diro. Waa halka aan Ka helay xaqiiqooyin badan oo Ku saabsan tayo xumada iyo sixir bararka dhakhaatiirteena taalla.

12ka sanno ee aabahay dawada lagu siinayay Somaliland dhexdeeda, waxay ahaayeen hoosaaso iyo lug gooyo aan daawo moodaynay. Saddexdii biloodba mar baa hargaysa la geeyaa, dhakhtarku daawo ayuu usoo qoraa, xanuunkuse waxa uu ahaa mid dawada la shaqaynaya oo maalinta saddexda bilood sidaa u dhamaadaan hadaan Isla markiiba la celin wuu xanuusan jirey aabo.

Maalintii dambe ayaa dhakhtarkii nagu yidhi, waxa aan u malaynayaa in halbawleyaasha wadnaha qaar yar yaraadeen, waxa uu ubaahanyahay kombiyuutar lagu ogaanayo. Kambiyuutarku waa imisa ayaan nidhi, waxa uu yidhi waa $1100. Hadda waa kambiyuutarka lagu ogaanayo oo keliya.

Haddii ay sax noqoto oo ay yar yaraadeen maxaa xal ah Dr? Waxa uu yidhi waynu balaadhinaynaa. Waa imisa balaadhintu? waxa uu yidhi waa $4000 oo dollar halkii xididba. Lacagta intaa le'eg hadda ma haynee maxaa xal ah? Dawadiisa Iska siiya inta aad u diyaar garoobaysaan.

Talo dheer Ka dib, qoysku waxa ay go'aansadeen in aan magaalada Harar tagno.
Doorkan dhakhtarka Harar waxa uu tobanaan jeer bal ee labaatan jeer laab Ka jabnaa dhakhtarkii aan hargaysa ugu tagi jirney. Ma rumaysanaysaa in kaambiyuutarka hargaysa nalaka qaadi jirey $80 maalintaa layga qaaday lacag u dhiganta $8. Shaybaadhada dhiiggaga $60 wixii dheeraa baanan hadda xasuusnayn halka ay Harar $20 Ka yaraayeen.

Waxba yaan hadal kugu daaline, bil Ka dib Harar baan Ku laabanay, dhakhtarkii mid aan ahayne ayaan u tagnay. Waxa uu na yidhi daawo la Iska qaataa waxba tari maysee kaambiyuutarka soo saara. Daawo sadex bilood ah ayuu nasoo siiyay.

Saddex bilood Ka dib diridhaba ayaan tagnay. Sidii labadii dhakhtar ee Harar ayuu sheegay, weliba waxa uu ii raaciyay kaambiyuutarku waa wax jabane soo saara intaad mar walba daawo kaalmaati ah Iska siin lahaydeen. Daawo sadex bilood ah ayuu noo soo qoray,waxa uuna nagula taliyay in kaambiyuutarkaa soo saarno si loo ogaado inta dhibtu le"egtahay.

Saddex bilood Ka dib waxa aan tagnay Addis. Waa halka aan Ka ogaaday in umaddan lacag iyo caafimaad midna u baaqan.

16/08/2026

Noloshu in ay hadaf yeelato ayay Ku qurux badantahay!

13/08/2026
13/08/2026

Niyadaada wanaaji si xaalkaagu u wanagsanaado.

Telephone

Website

Address


Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng. Abdirisak -Nagiib posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Burco.