Hanbile Youth Development Initiative

Hanbile Youth Development Initiative

Share

Hanbila Youth Development initiative is an advocacy organization that exists to coordinate collective action among youths through empowerment and leadership.

Photos from Hanbile Youth Development Initiative's post 18/07/2026

Shirweynaha Haweenka Puntland iyo Reer Hanbile

ururka Hanbile Youth Development Initiative waxay sharaf u ahayd ka qaybgalka Shirweynaha Haweenka Puntland, oo ah madal muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodsiinta haweenka, horumarinta sinnaanta fursadaha, kor u qaadidda waxbarashada, helitaanka adeegyada caafimaadka iyo caddaaladda, iyo kordhinta ka qaybgalka haweenka ee nabad-dhiska iyo dowladnimada.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ministry of Women Development & Family Affairs Dowladda Puntland, dadaalka iyo abaabulka shirkan muhiimka ah, kaas oo horseedaya wada-tashi iyo horumar ku saabsan doorka haweenka ee bulshada.

Photos from Hanbile Youth Development Initiative's post 27/06/2026

Waxaan si diirran u soo dhoweynaynaa daah-furka BAYA Professional Women’s Network. Waa hindise ay horseedeen gabdho ka faa’iideystay barnaamijka Rising Voices: Young Women’s Leadership and Political Participation, waana mid ka tarjumaysa saameynta barnaamijka iyo sida haweenka dhallinyarada ah ay u horseedayaan isbeddel bulsho.

Photos from Hanbile Youth Development Initiative's post 08/03/2026

Maanta oo ah Maalinta Haweenka Adduunka, waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka. Maalintani waa fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta bulshada, dhismaha nabadda, iyo hoggaaminta mustaqbalka.

Xarunta Hanbile Youth Development Initiative waxay aaminsan tahay in awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha dhalinyarada ay tahay furaha horumar waara, caddaalad, iyo bulsho loo siman yahay. Waxaan sii xoojin doonaa dadaalladayada ku aaddan kobcinta hoggaaminta haweenka, ka qaybgalka siyaasadda, iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

Hambalyo dhammaan haweenka aduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ee si geesinimo leh uga shaqeeya isbeddelka iyo horumarka bulshada.

“Marka haweenku horumaraan, bulshadu way horumartaa.”

Photos from Hanbile Youth Development Initiative's post 04/02/2026

Hanbile Youth Development Initiative waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Guddoomiyaha Guddiga Xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim, oo ku guulaysatay xilkan qaran kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Bahda Hanbile waxay u rajeynayaan Guddoomiyaha guul, horumar iyo in ay si hufan uga shaqeyso ilaalinta, horumarinta iyo difaaca xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, gaar ahaan xuquuqda haweenka, dhallinyarada iyo bulshada nugul.

Mar kale, hambalyo iyo guul baan kuu rajaynaynaa.

24/01/2026

Kooxdani waxay daraasad ka sameeyeen muhiimadda dhaqashada xoolaha iyo baahida loo qabo casriyeynta wax-soo-saarka xoolaha ee Puntland. Sidoo kale, waxay tilmaameen in casriyeynta xoolaha dhaqashada ay kaalin weyn ka qaadan karto kobcinta dhaqaalaha Puntland, iyo yareynta saboolnimada.

23/01/2026

Kulanka gorfeyn iyo falanqeyn oo ku saabsan buugga “Fanka Fagaare-ka Hadalka,”

Photos from Hanbile Youth Development Initiative's post 22/01/2026

Maanta, taariikhdu tahay 22-ka bisha, waxaa la qabtay kulan gorfeyn iyo falanqeyn oo ku saabsan buugga “Fanka Fagaare-ka Hadalka,” waxaana soo jeediyey qoraha dhiganahan, Abshir Abdiqadir Aden, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda fanka iyo hadalka fagaareyaasha ee wacyigelinta bulshada iyo kobcinta fikirka.

21/01/2026

Kooxdan waxay soo bandhigtay natiijooyin muujinaya in gaajadu si gaar ah u saameyso joogitaanka ardayda dugsiga, dhiirrigelinta waxbarasho, iyo awoodda ay u leeyihiin inay si firfircoon uga qaybqaataan casharrada. Tani waxay caddeyneysaa in gaajadu tahay caqabad weyn oo hor istaagta waxbarasho tayo leh.

16/01/2026

Cilmi-baaris ku Saabsan
Casriyeynta iyo Wax-soo-saarka Xoolaha.
Naima Abdirahman Adam

14/01/2026

Cilmi-baaris ku saabsan tayada iyo badqabka daawooyinka laga helo gudaha dalka.

Imaan Abdirahman

Telephone

Website

Address


Garowe
Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hanbile Youth Development Initiative posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Garowe.