Eng Mohamed Rashid Aden
Founder & CEO, Somaliland Pay
Software Engineering Student | FinTech Visionary. Empowering Digital Finance • Driving Innovation • Shaping the Future 🚀
08/08/2026
🚀 SOMALILAND PAY — FROM VISION TO DEVELOPMENT
Maanta waxaan si sharaf iyo farxad leh idiinku wargelinaynaa in Somaliland Pay Version 2.0 uu soo gabagabeeyay marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarkiisa. Muddo dheer oo cilmi-baaris, qorsheyn, architecture, design iyo documentation ah kadib, waxaan dhammeystirnay 30 CUTUB (30 Chapters) oo dhisaya aasaaska farsamo, ganacsi iyo mustaqbal ee Somaliland Pay.
📘 30-ka cutub waxay si qoto dheer uga hadlayaan System Architecture, Database Design, Cybersecurity, Cloud & DevOps, High Availability, Disaster Recovery, Security Operations Center (SOC), Digital Identity, Open Banking, API Marketplace, Mobile Application Architecture, Merchant Ecosystem, Payment Infrastructure iyo International Expansion Strategy.
Waxa aynu maanta haysannaa ma aha fikrad keliya. Waxaan haysannaa roadmap, architecture, security framework, database plan, API strategy, business model iyo qorshe horumarineed oo nidaamsan. Somaliland Pay waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo nidaam casri ah oo taageera digital payments, merchants, financial services iyo mustaqbalka isku-xirka adeegyada maaliyadeed.
🔥 Hadda waxaa bilaabanaya marxaladdii ugu muhiimsanayd: CODING & DEVELOPMENT.
Tallaabada xigta waxay noqon doontaa inaan qorshihii iyo architecture-kii u beddelno software shaqeynaya—database, backend, APIs, authentication, wallet, transactions, mobile application, merchant system, admin dashboard iyo testing.
Safarkani waa mid dheer, waxaana jiri doona challenges, errors iyo waxyaabo badan oo aan baran doono. Laakiin hal talaabo ayaan mar kasta qaadi doonaa.
Somaliland Pay — From Somaliland to the World.
Tani waa bilowga safar cusub.
30 Chapters.
1 Vision.
1 Platform.
A Future We Build.
🚀💻 Bismillah — Let’s Build Somaliland Pay.
24/07/2026
Ixasuusiya ninkan dambigaynu ku haysanay noocuu ahaa waan iloobaye! inaan cafiyaan rabaaye ma cafin karaa oo ma cafin karnaa maanta? Markaynu eegno halka la marayo iyo wakhtigan. Xusuusnaada Madaxweyne Cirro shaqaalihiisa ayuu ka mid ahaa Ilaa markii ugu dambeysay ee dalka laga saaray.
Fiid wanaagsan.
Hasan
17/07/2026
Kulanka Markuu xalay dhamaaday, Nico Gonzalez ayaa sooqaaday Dhalada biyaha ee gool-haye Pickford wuxuuna udhiibay Lionel Messi, kadib Messi ayaa kuyiri waxani maxay yihiin, Maadaama English kuqornayd warqada kudhagan dhalada.
dhalada Biyaha ee Gool-haye Pickford waxaa ku qornaa ama ku diyaarsanaa xidig walba oo Argentinez ah meesha uu badanaa kadhaliyo Penalty-da iyo Pickford halka uu isku tuuri doono.
Xidigii h**e ee Bournemouth hadana uwareegay Tottenham Marcos sanesi ayaa usheegay Lionel Messi in warqada ay kuqoran tahay, in Messi iska dhigi doono wax utuuraya kubada dhanka bidix kadibna uu utuuri doono dhanka midig.
Messi ayaa kujawaabay markii intaas loosheegay " Pickford hasoo barto qaabka aan utuuro Riigoorooyinka"🤣
Fulay qoryo badnaa maqli jira, waxay garoo ka kusoo bandhigi lahaayeen inta iska daayeen bay mustaqbal iyo wax aan lagaari doonaan u tafa xayteen🤣🤣
Blessing💯🥰
16/07/2026
GST (Goods and Services Tax) / Cashuurta Iibka
GST waa cashuur lagu soo rogo badeecooyinka iyo adeegyada qaarkood si ay dawladdu uga hesho dakhli lagu maalgeliyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, amniga, waddooyinka iyo horumarinta kaabeyaasha dalka.
Si kastaba ha ahaatee, Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Qodobka 14-aad, wuxuu si cad u dhigaya in aan cashuur ama takaaliif la qaadi karin haddii aanu jirin xeer sharci ah oo jidaynaya. Sidaa darteed, cashuur kasta oo la qaadayo waa inay leedahay sal sharci oo cad, habraac qeexan iyo cid si rasmi ah loogu waajibiyey.
GST lagama wada qaado dhammaan muwaadiniinta si isku mid ah, balse waxaa lagu dabaqaa qaybaha uu xeerku tilmaamay. Muwaadinku wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado:
- Xeerkee lagu dhisay GST?
- Cidda laga qaadayo yaa sharci ahaan lagu qeexay?
- Heerka cashuurta la qaadayo waa intee?
- Hay'adda qaadaysaa ma leedahay awood sharciyeed?
- Dakhliga laga ururiyey bulshada xaggee lagu bixiyaa?
Haddii cashuur laga qaado qof, shirkad ama ganacsi aanu sharcigu waajibin, ama lagu qaado hab ka baxsan xeerarka dalka, su'aasha meesha taal waxay tahay: taasi ma tahay cashuur sharci ah mise waa lacag laga qaaday muwaadin aan sharci lagu salayn?
Cashuur bixintu waa waajib qaran, laakiin daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharcigu waa waajib saaran hay'adaha dawladda. Bulsho xog ogaal ahi ma diiddo cashuur sharci ah, balse waxay dalbataa in sharciyada la raaco, isla markaana dakhliga shacabka laga ururiyey loogu adeego shacabka.
Aqoonta sharcigu waa difaaca ugu weyn ee muwaadinka.
Su'aal muhiim ah: Ma jiraan dhammaan shuruudihii sharci iyo kuwii dastuuri ahaa ee looga baahnaa hirgelinta iyo ururinta GST, mise weli waxaa jira arrimo u baahan in si cad loogu sharaxo bulshada?
class of 2026🙈🔥
Angel so obsessed
16/07/2026
Dhacdo la yaab leh gabadhan ayaa barteeda tiktok soo dhigtey. alle ha barakeeyo qoyskaa🙏😂
Muuqaalkani waa nin ka dhex xadaya dhakhtarka KAAH HOSPITAL Taayir yaala meesha lanbarka taarikadiisuna waa C8082.
Ciidanka Booliska JSL Fadlan usii share gareeya laamaha ku shaqo leh waa in gaadhigaas iyo ninka wadaba la hor keenaa sharciya
16/07/2026
Spain. Argentina.
The Final.
Ciyaartan yaad taageero u tahay comment ga ku reeb!!
Category
Address
115 West Buckeye
Hargeisa
45810
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Eng Mohamed Rashid Aden posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.