Toosane Media
Madal madax banaan oo falanqeysa arimaha gobolka shabeelaha hoose.
27/08/2026
WasaaraddaWasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed iyo Hay’adda SOS oo Daawooyin Gaarsiiyay Xarunta Caafimaadka Deegaanka Jaziira
Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo ay wehliyaan Hay’adda SOS iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji, ayaa maanta daawooyin iyo agab caafimaad gaarsiiyay Xarunta Caafimaadka Deegaanka Jaziira ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Daawooyinka iyo agabka caafimaad ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Maamulka Deegaanka Jaziira, iyadoo tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu baahonayo adeegyada caafimaad ee bulshada deegaanka.
Maamulka Deegaanka Jaziira ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Koonfur Galbeed, Hay’adda SOS iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji taageerada iyo dadaalka ay ku bixiyeen horumarinta adeegyada caafimaadka ee deegaanka.
Wasiirka caafimaadka KGS xildhibaan Cabdulqaadir Shariif ayaa dhowaan isagoo ka jawaabaya qeylo dhaan iyo codsiyo ay direen bulshada iyo Xildhibaan Mazamed Xaaji kaasoo looga cabanayo adeeg la'aan caafimaad oo ka jirta deegaanka iyo nawaaxigeeda.
Agabkan iyo daawooyinkan maanta la gaarsiiyey ayaa wax weyn ka tari doonta dib usoo hawlgelinta xarunta iyo guud ahaan baahiyaha caafimaad ee bulshada ku nool Deegaanka Jaziira iyo nawaaxigeeda.
Category
Contact the organization
Telephone
Website
Address
Merca
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Toosane Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.