Midnimo Production

Midnimo Production

Share

Midnimo Production and Advertisement is at the forefront of creating engaging and innovative visual content that captures hearts and minds across Somalia.

21/06/2026

πŸŽ“ DIIWAANGELINTA ARDEYDA CUSUB EE SANAD-DUGSIYEEDKA 2026/2027 WAA FURAN TAHAY! πŸŽ“

Dhammaan waalidiinta sharafta leh, maamulka Dream International School wuxuu idin ku wargelinayaa in la bilaabay qaadashada ardeyda cusub ee sanad-dugsiyeedka 2026/2027.

Ardeyda waxaa loo diyaariyey:

βœ… Manhajka Caalamiga ah ee Cambridge International Education
βœ… Macallimiin khibrad iyo aqoon sare leh
βœ… Deegaan ammaan ah oo ku habboon waxbarashada
βœ… Tarbiyad wanaagsan iyo kobcinta akhlaaqda ardayga
βœ… Adeegyo waxbarasho oo tayo sare leh

Waxaan hiigsaneynaa inaan dhisno jiil aqoon, akhlaaq iyo hoggaan ku hoggaansan, si ay u noqdaan mustaqbalka dalka.

πŸ“ Goobta Dugsiga: Dhabarka dambe ee Fahab Tower, Banaadir, Muqdisho, Soomaaliya.

πŸ“ž Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
619 488 590

Dream International School β€œMeesha ay riyadu ka noqoto xaqiiqo, aqoontuna ka iftiimiso mustaqbalka.” πŸŒŸπŸ“š

08/06/2026

🌟 Capital Hospital – Mid ka Mid ah Macaamiisheena Qaaliga ah 🌟

Midnimo Production waxay kuu heysaa adeegyo tayo sare leh oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo mudnaanta siinaysa qanacsanaanta macaamiisha.

βœ… Adeeg tayo leh oo xirfadeysan
βœ… Shaqo hufan iyo fulin degdeg ah
βœ… Daacadnimo iyo kalsooni lagu dhisay adeegga

Waxaan si sharaf leh ugu adeegnaa hay'ado iyo shirkado kala duwan, waxaana ka mid ah Capital Hospital, oo ka mid ah macaamiisheena qiimaha badan.

πŸ“ Xarunta Midnimo Production
KPP, Degmada Hodan, Muqdisho – Soomaaliya

πŸ“ž Kala soo xiriir: 614 686 876

Midnimo Production
"Tayada Adeegga Waa Himiladeenna, Kalsooniduna Waa Guusheenna.

29/05/2026

🎬✨ **RUWAAYAD KOOBAN OO AAN U SAMEYNAY β€œMACALIN GURI”** ✨🎬

πŸ“š *Macalin Guri* waa xarun bixisa adeegyo waxbarasho oo tayo sare leh, kana shaqeysa horumarinta aqoonta ardayda iyo diyaarinta mustaqbalkooda.

πŸŽ₯ Ruwaayaddan kooban waxaa idiin soo saartay **Midnimo Production** oo idin heysa adeeg muuqaal sameyn casri ah, xayeysiisyo tayo sare leh, duubista barnaamijyada, iyo hal-abuur muuqaal oo soo jiidasho leh.

πŸ“ Xarunteenna: KPP, Mogadishu
πŸ“ž Tell: 614686876

✨ Midnimo Production β€” β€œMuuqaal tayo leh waa sumcadda ganacsigaaga.”

29/05/2026

jimca Mubarak Saxibadeena Facebook

21/05/2026

🎬 MIDNIMO PRODUCTION πŸŽ₯

Waxaan kuu haynaa adeegyo muuqaal sameyn oo casri ah iyo sawir qaadis tayo sare leh.
Waxaan diyaar u nahay:

πŸ“Έ Sawir qaadis xirfad leh
πŸŽ₯ Duubista xafladaha
πŸ’ Aroosyada
πŸŽ‚ Dhalashooyinka
🀝 Kulamada iyo soo dhoweynta
🏒 Shirarka iyo munaasabadaha kala duwan
πŸ“Ί Xayeysiimaha ganacsiga
🎭 Riwaayadaha iyo filimada
✨ Iyo dhammaan noocyada muuqaal sameynta ee muhiimka ah

Waxaan kuu balanqaadaynaa adeeg tayo leh, muuqaal qurux badan iyo shaqo lagu kalsoonaan karo.

πŸ“ž Kala soo xiriir: 614686876
πŸ“ Xarunteenna: KPP, Hodan, Muqdisho – Soomaaliya

09/05/2026

πŸŽ₯ Waa muuqaal Promo ah oo aan u diyaarinay adeegga Macalin Guri Service, kana mid ah macaamiisha Midnimo Production.
Adigana waan kuu diyaarin karnaa muuqaal tayo sare leh oo soo jiidasho leh.

✨ Adeeg hufan, daacadnimo iyo shaqo la hubo β€” nagu soo booqo Midnimo Production.

πŸ“ Xarunteennu waxay ku taallaa KPP, Degmada Hodan, Mogadishu
πŸ“ž Naga soo wac: 61 4686876

10/04/2026

Masjidka faca weyn ee Sheikh Cali Suufi wuxuu ka mid yahay goobaha diimeed ee taariikhiga ah ee door weyn ka soo qaatay faafinta diinta Islaamka iyo dacwada, gaar ahaan Geeska Afrika. Masjidkani wuxuu ku xiran yahay magaca iyo halgankii sheekha caanka ahaa ee Sheikh Cali Suufi, oo ahaa caalim iyo daaci caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, baridda cilmiga shareecada, iyo toosinta bulshada.

Taariikh ahaan, masjidku wuxuu ahaa xarun waxbarasho oo muhiim ah, halkaas oo lagu baran jiray Qur’aanka Kariimka, axaadiista, fiqiga, iyo culuumta kale ee Islaamka. Arday badan oo ka kala yimid deegaano kala duwan ayaa u iman jiray si ay uga faa’iideystaan cilmiga iyo tarbiyadda diineed ee halkaas lagu bixiyo. Tani waxay ka dhigtay masjidka mid noqda meel iftiin iyo hanuun u ah bulshada.

Sheikh Cali Suufi wuxuu door weyn ka qaatay faafinta dacwada Islaamka isaga oo adeegsanaya wacdiyo, duruus joogto ah, iyo safarro dacwo oo uu ku tagi jiray tuulooyin iyo magaalooyin kala duwan. Wuxuu dadka ku boorin jiray ku dhaqanka diinta, akhlaaqda wanaagsan, iyo midnimada ummadda Islaamka. Saameyntiisa ayaa gaartay meelo fogfog, taasoo keentay in dad badan ay qaataan ama ku adkaadaan diintooda.

Masjidka Sheikh Cali Suufi sidoo kale wuxuu ahaa meel lagu xalliyo khilaafaadka bulshada, laguna dhiirrigeliyo nabadda iyo wada noolaanshaha. Culimada ka soo baxday masjidkan ayaa sii waday doorkii dacwada, iyaga oo noqday hoggaamiyeyaal diimeed oo bulshada hanuuniya.

Gabagabadii, Masjidka Sheikh Cali Suufi ma ahayn oo kaliya goob cibaado, balse wuxuu ahaa xarun weyn oo aqoon, dacwo, iyo isbeddel bulsho. Doorkii Sheikh Cali Suufi iyo masjidkiisa ayaa weli lagu xasuustaa dadaalkiisii ku aaddanaa faafinta diinta Islaamka iyo kor u qaadista wacyiga bulshada.

06/04/2026

🎬✨ Barqaaqo Tourism ayaan u diyaarinay Muuqaal safar ah oo ka mid ah macaamiisheena qiimaha leh.
πŸŽ₯ Midnimo Production waa halka aad ka heli karto:
πŸ“Έ Sawirro tayo sare leh
🎞️ Muuqaallo casri ah oo ku habboon nooc kasta oo muuqaal sameyn ah
πŸ”₯ Hal-abuur soo jiidasho leh oo ka dhigaya ganacsigaaga mid muuqda
πŸ“ Xarunta Midnimo Production waxay ku taallaa KPP Hodan
πŸ“ž Kala soo xiriir: 61 4686876
πŸ‘‰ Midnimo Production β€” Hal-abuurka muuqaalkaaga! 🎬

06/04/2026

🎬✨ Waxaan kuu haynaa muuqaal Proma oo si heer sare ah loogu sameeyay Day Star Academy β€” mid ka mid ah macaamiisheena qiimaha leh.

πŸŽ₯ Midnimo Production waa halka aad ka heli karto:
πŸ“Έ Sawirro tayo sare leh
🎞️ Muuqaallo casri ah oo ku habboon nooc kasta oo muuqaal sameyn ah
πŸ”₯ Hal-abuur soo jiidasho leh oo ka dhigaya ganacsigaaga mid muuqda

πŸ“ Xarunta Midnimo Production waxay ku taallaa KPP Hodan

πŸ“ž Kala soo xiriir: 61 4686876

πŸ‘‰ Midnimo Production β€” Hal-abuurka muuqaalkaaga! 🎬

Telephone

Address


Via W Taleex
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midnimo Production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Mogadishu.