MIMA FOUNDATION

MIMA FOUNDATION

Share

Striving for Excellence

27/08/2026

📢 FURSAD SHAQO! | WE ARE HIRING!

MIMA FOUNDATION wuxuu raadinayaa macallin History & Geography ah si uu uga mid noqdo kooxdeena.

👨‍🏫 POSITION: History & Geography Teacher
🕐 FULL-TIME

📌 SHURUUDAHA:
1️⃣ Bachelor’s Degree oo ku saabsan History, Geography ama maaddo la xiriirta.
2️⃣ Khibrad waxbarid waa faa’iido.
3️⃣ Aqoon wanaagsan oo maadada ah iyo xirfad isgaarsiineed oo heer sare ah.
4️⃣ Jacaylka waxbaridda iyo awoodda dhiirrigelinta ardayda.
5️⃣ Ka go’naansho waxbarasho tayo leh iyo wada-shaqeyn.

Noqo qayb ka mid ah bulshada waxbarasho ee firfircoon, kana qayb qaado dhisidda hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.

📅 DEADLINE: 30-AUG-2026
📧 SEND YOUR CV: [email protected]

📞 CONTACT US:
+252 614 976608
+252 614 976602

📍 Garasbaaley, Xaafada Macaani

27/08/2026

📢 FURSAD SHAQO!

MIMA School waxa uu raadinayaa macallimiin aqoon leh, karti badan, dadaal badan, isla markaana jecel waxbaridda si ay uga mid noqdaan kooxdeena sii koraysa.

👨‍🏫 Jagada: ICT & Business Teacher
🕐 Nooca Shaqada: Full-Time

📌 Shuruudaha:
• Bachelor’s Degree oo ku saabsan ICT, Business Administration ama maaddo la xiriirta.
• Khibrad waxbarid waa faa’iido.
• Aqoon wanaagsan oo maadada ah iyo xirfad isgaarsiineed oo heer sare ah.
• Jacaylka waxbaridda iyo awoodda dhiirrigelinta ardayda.
• Mas’uuliyad, wada-shaqeyn iyo ka go’naansho heerka waxbarasho.

📅 Deadline: 30 August 2026
📧 CV-ga ku dir: [email protected]

📞 Xog dheeraad ah:
+252 614 976608 | +252 614 976602

📍 Goobta: Garasbaaley, Xaafada Macaani

🌟 Ku soo biir MIMA oo ka qayb qaado dhisidda jiilka hoggaamiyeyaasha mustaqbalka!

17/08/2026

MIMA FOUNDATION waxay kuu balan qaadeysaa inay carruurta siiso waxbarasho tayo leh, tarbiyad wanaagsan iyo fursado ay ku horumariyaan kartidooda, si ay u noqdaan kuwo isku kalsoon, masuuliyad leh oo diyaar u ah mustaqbalka.

11/08/2026

Waxbarashadu ma ahan bugaag iyo imtixaan oo kaliya balse waxbarashada dhabta ahi waa mid ilmaha ka caawisa inuu aqoon, xirfad iyo kalsooni ku dhisto mustaqbalkiisa.

09/08/2026

Hambalyo iyo bogaadin

Maamulka iyo Macallimiinta MIMA School waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan Raagiya Cabdi Nuur Aaden guusha cajiibka ah ee ay ka gaartay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe 2025/2026, iyadoo ku guuleysatay Kaalinta 10-aad iyo natiijo heer sare ah oo ah 94.13%

Guushan waa mid ka tarjumaysa **dadaalkaaga, kartidaada iyo juhdiga ay muujiyeen macallimiinta iyo waalidkaaga.

💙 Hambalyo Raagiya!
Waxaan kuu rajaynaynaa guulo waaweyn iyo mustaqbal ifaya.
MIMA School – Growing for Excellence.

04/08/2026

Maxaa ka cusub MIMA Foundation sanad dugsiyeedka 2026–2027?

03/08/2026

Maxaa ka Cusub MIMA ?? Goor dhow filo .

Photos from MIMA FOUNDATION's post 19/04/2026

Our School inter competition Ball Games

Photos from MIMA FOUNDATION's post 08/04/2026

Shaley, Talaado, 7-da Abriil,2026 iyada oo ay fududeysay IDEA Hub Somalia, qaar ka mid ah ardaydii h**e ee Mogadishu Integrated Model Academy (MIMA) ayaa ka qeyb galay kulan is-dhaafsi fikrado leh oo si rasmi ah loogu aasaasay Ururka Qalin-jabiyeyaasha MIMA (MAA).
Kulanka waxaa lagu ansixiyay Guddi ku-meel-gaar ah oo ka kooban 9 xubnood oo hoggaanka fulinta ah (magacyadooda waxaa lagu soo bandhigi doonaa qoraal kale). Sidoo kale ka-qeybgalayaasha waxaa loo aqoonsaday xubnihii aas-aaska u ahaa ururkan.
Mahad gaa IDEA Hub Somalia IDEA Hub Somalia
xubnaha waxay sidoo kale ka faa’iideysteen cashar muhiim ah oo uu bixiyay Dr. MN Warsame, oo ahaa maamulihii ugu horreeyay ee aasaasay MIMA sanadkii 2009, isla markaana ah Aasaasaha iyo CEO-ga IDEA HUB Somalia. Dr-ku wuxuu dhalinyarada ku baraarujiyay xirfadaha muhiimka ah ee looga baahan yahay suuqa shaqada, horumarinta waddada xirfadeed, iyo fursadaha jira sida tababarrada (internships) iyo iskaa-wax-uqabso (volunteering) si ay waayo-aragnimo u helaan inta ay waxbarashada jaamacadeed ku jiraan.
Dhanka kale, Dr. Abdwahid Ahmed oo ka mid ah hormuudka Ururka Qalin-jabiyeyaasha Peace University ayaa bixiyay tababar ku saabsan doorka xubnaha alumni-ga iyo masuuliyadaha gaarka ah ee hoggaanka fulinta.
Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa xiriirka qalin-jabiyeyaasha MIMA isla markaana dhiirrigelinaysa horumarka dhalinyarada.

07/04/2026

Welcome One welcome All

Category

Telephone

Website

Address


Hodan
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 12:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00