SDM

SDM

Share

Somali Digital Media(SDM) is a Digital Multimedia Platform that Serves as the gateway of true journalism.

Photos from SDM's post 09/10/2026

Qaabdhismeedka ku meelgaadhka ah ee maamul magaalada Bariisle .

SDM
Qalinka soo-jeeda

09/10/2026

Qabribeyax:-Warshadda sifaynta Biyaha.

Warshada wayn ee sifaynta Biyaha oo laga dhisayo Qabalaha Kaaha oo kamid ah Mashruuca biyo galinta Magaalada Qabribeyax ayaa gabo-gabo maraysa,warshaddan cusub ayaa ah nooc cusub oo carsi ah.

Sidookale warshaddii h**e ee sifaynta oo mudo 30 sano ah shaqaynaysay ayaa wali bixinaysa adeega biyaha,warshaddan cusub ee dhamaanaysa ayaa iyaduna hadda wax wayn kabadali doonta adeega biyaha Magaalada Qabribeyax iyo nawaaxigeeda.

09/09/2026

Waa Inaan Xooga Saaro Midnimada. Mudane Abdirahman Ahmed Hassan.

Photos from SDM's post 09/09/2026

Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee ayaa 290 arday oo laga soo kala xulay dugsiyada Xuseen Giire iyo Aayardega ku wareejiyey agab waxbarasho oo kala duwan

Madaxa garabka haweenka xisbiga barwaaqo laantiisa deegaanka Soomaalida Marwo Samiira Khadar Maxamed, ayaa xustay in taageeradani ay ka mid tahay tabarucaadka bilaha xagaaga, iyagoo ku boorriyay ardayda inay ka faa’iidaystaan fursadan laba jibbaaran dadaalkooda waxbarasho.

SDM

09/09/2026
Photos from SDM's post 09/09/2026

Laanta Shabelle Bank ee Magaalada Dhagaxbuur, oo kamid ahayd laamihii kaalmaha h**e ka galay waxqabadkii sannadka 2025/2026, ayaa maalgelin siisay qayb kamid ah macaamiisheeda magaalada, kuwaas oo h**e u soo celiyay dayme h**e oo bank ku maalgaliyay.

Maalgelintan oo ah fursad labaad oo loo fidiyay macaamiisha doonaya inay horumar dhaqaale iyo isbeddel wanaagsan ka sameeyaan noloshooda, ayaa loo siiyay hab waafaqsan Shareecada Islaamka.
Intii u dhaxaysay bilaha Agoosto ilaa Sebtembar, lacagta guud ee maalgelinta la siiyay macaamiisha ayaa gaadhaysa 55,000,000 (55 Milyan).

Macaamiisha waxaa loo iibiyay agabka iyo hantida ay codsadeen, waxaana kamid ahaa:

🏗️ Qalabka dhismaha – noocyo kala duwan
🍚 Raashinka – noocyo kala duwan
💻 Electronics – noocyo kala duwan
🐪🐑 Xoolaha nool – sida geela iyo adhiga
Maalgelintani waxay qayb ka qaadanaysaa kobcinta ganacsiga, kor u qaadista wax-soo-saarka iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada ku nool Magaalada Dhagaxbuur.

FARIIN KU SOCOTA MACAAMIISHA

Laanta Shabelle Bank Dhagaxbuur waxay macaamiisheeda sharafta leh iyo dhammaan bulshada ku wargelinaysaa in qof kasta oo danaynaya maalgelin waafaqsan Shareecada Islaamka uu si diirran ugu soo dhowaan karo laanta.

Shabelle Bank – Laanta Dhagaxbuur

Fursad Maaliyadeed oo Waafaqsan Shareecada Islaamka, Horumar Dhaqaale oo Waara.

Photos from SDM's post 09/09/2026

Qabribeyax:-Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayay, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo laanta DDS Eng. Maxamed Shaalle Isaaq, ayaa kormeer shaqo ku yimid Maamulka Magaalada Qabribeyax.

Uguhorayn Masuuliyiintu ayaa kulan la qaatey hogaaminta Maamulka Magaalada Qabribeyax,iyadoo kulanka lagaga hadlay horumarinta adeegyada bulshada, mashaariicda horumarineed, dakhliga, amniga iyo hirgelinta hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.

Kulanka Kadib Masuuliyiinta ayaa kormeer kusameeyay mashaariic kala duwan ee kasocda Magaalada Qabribeyax,sida Jidka Laamida,Biyo-galinta Magaala,Xarunta Adeega hal-goob(Mesop),wadooyinka Dhagax qoran(Cable stone)iyo kuwa caradhiga(gravel-road),guriyaynta kasocda magaalada iyo dhismaha Jaamada sportiga.

Ugu danbayn waftigan oo uu Hogaaminayay Engineer Mohamed Shale Isaaq ayaa kadib kormeerka siiyay talobixino kusaabsan sidii loosiixoojin lahaa shaqooyinka kaladuwan ee kasocda Magaalada.

Photos from SDM's post 09/09/2026

Dhagaxbuur Maalinta Soo Gabagabeynta Adeeg-bixinta Caafimaadka ee Bilaha Xagaaga iyo Maalinta Midnimada Qaranka, oo loo asteeyey Pagume 4, ayaa si habsami leh loogu qabtay Cusbitaalka Guud ee Dhagaxbuur.

Waxaa soo qaybgalay Madaxa Arimaha Xisbiga Gobolka Jarar Mudane, Nimcan Mahamed hasan
Iyo Madaxa Xarunta dhexe ee Maamulka magaalada Dhagaxbuur Mudane Mahamed Sahal Muhumed Sidoo kale Sheik Mahamed Irshad oo kamid Cul'imada magaalada dhagaxbuur.

Intii lagu guda jiray munaasada Waxaa bulshada loo sameeyay adeegyo baadhitaano caafimaad oo bilaash ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen

1. Baadhitaanno caafimaad oo bilaash ah.
2. La-talin iyo adeegyo caafimaad oo kala duwan.
3. Wacyigelin ku saabsan ka hortagga cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka.
4. Wacyigelin ku saabsan muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo hubiyo xaaladda caafimaad.
5. Talooyin caafimaad oo ay bixiyeen xirfadlayaasha caafimaadka ee cusbitaalka.
6. dhiig shubis

Ujeeddada adeeggan ayaa ahayd in bulshada loo fududeeyo helitaanka adeeg caafimaad oo tayo leh, korna loo qaado wacyiga bulshada, ka-hortagga cudurrada iyo caafimaadka guud ee bulshada.

Cusbitaalka Guud ee Dhagaxbuur wuxuu mar walba ka go'an yahay inuu bulshada u fidiyo adeeg caafimaad oo tayo leh, la heli karo, oo ku salaysan baahida bulshada.

Caafimaadku waa masuuliyad wadajir ah bulsho caafimaad qabtana waa bulsho horumaraysa.

Photos from SDM's post 09/09/2026

Maamul-Magaalada Fiiq

SDM
Qalinka soo-jeeda

Photos from SDM's post 09/09/2026

Munaasabada 4-ta bisha Baagume, oo halkudheg looga dhigay “Maalinta Midnimadu waa Maalinta Dib Usoo Kabashada Itoobiya". ayaa lagu qabtay Jigjiga

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumadda deegaanka oo ay ka mid yihiin Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Kobcinta Awoodda ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Mudane C/raxmaan Axmed Xasan, Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS Mudane Maxamed Aadan Daahir, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed Ibraahin, Wasiirka Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Marwo Warsan Cawil, Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi Cumar iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda kasoo qaybgalay macallimiin, waalidiin, arday, ururrada bulshada, bahda fanka iyo martisharaf kale.

Want your business to be the top-listed Media Company in Boston?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Telephone

Address


Boston, MA