Daaci TV

Daaci TV

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Daaci TV, TV Channel, Fishers, IN.

DAACI TV – Baraarujiyaha Bulshada
Arrimaha Diinta • Arrimaha Bulshada • Arrimaha Ganacsiga • Duubista Xafladaha

TikTok & YouTube: Daaci TV
Xafiisyada: Hargeysa • Muqdisho • Jigjiga
📞 La xiriir Maamulka: +252 634062748

10/11/2026

GEERI NAXDIN LEH

إِنَّا لِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Maamulka Daaci TV waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed (Suldaan) oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Maamulka Daaci TV waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, gaar ahaan Jannatul Firdowsa, qabrigiisana u waasiciyo, su’aasha qabrigana u fududeeyo.

Sidoo kale, waxa aanu Alle uga baryaynaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Alle ha u naxariisto Marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan haka siiyo.

Aamiin, Aamiin.

Maamulka Daaci TV
Abdirahman Deik

10/11/2026

"Dalka Somaliland Ilaahayow Diintiisa waan u baqayaa, Diintaada iyo ehelkeediiba Maanta Dagaal Adag baa ku socda, ilaahaw badbaado, ilaahaw badbaadi
“ Sheekh Axmed iid oo la ooyey Duco uu si qiiro leh ugu duceeyay Dalka iyo Dadka

10/11/2026

“ Dalka Somaliland Ilaahayow Diintiisa waan u baqayaa, Diintaada iyo ehelkeediiba Maanta Dagaal Adag baa ku socda, ilaahaw badbaado, ilaahaw badbaadi
“ Sheekh Axmed iid oo la ooyey Duco uu si qiiro leh ugu duceeyay Dalka iyo Dadka

10/11/2026

"Anigu Dhalinyarada Talada aan Siiyo waa laba Mid uun"Sh.Mustafe Xaaji Ismaaciil

10/11/2026

SH Cabdirashiid Sh Ali Suufi

10/10/2026

Maxaa keeni kara in arday 16 sano waxbarasho ku jiray uu qaabkan u dhaqmo? Xaggee wax ka khaldan yihiin? Ma dhinaca macallimiinta ayay wax ka khaldan yihiin, mise manaahijtii loo dhigayay?

Arday 16 sano waxbarasho soo dhiganayay, waxay ahayd inuu noqdo arday ka dhisan diin ahaan, dhaqan ahaan, aqoon maaddi ahaan iyo dhinac walba. Arday tusaale u noqda kuwa ka yar oo ay ku daydaan, arday masuul ah oo isu diyaarinaya guur, shaqo iyo inuu ummadda wax ku soo kordhiyo.

Haddaba, anigu khaladka ugu weyn waxaan saarayaa manaahijteena waxbarasho, laga soo bilaabo dugsiga hoose (Primary), dugsiga sare (Secondary) ilaa jaamacadaha, kuwaas oo aan ahayn kuwii ay ummadeenu u baahnayd. Waa manaahij ka turjumaya dhaqammo kale iyo taariikho kale oo aanay dadkeennu u baahnayn.

Shaqooyinka farsamada gacanta ee dalkeena looga baahan yahay waxaa inta badan qabta Itoobiyaan, Yemeni, Bangaladesh, Pakistani iyo dad kale oo shisheeye ah. Haddaba, innaga jaamacadaheena maxaa loogu dhigan waayay xirfadaha iyo aqoonta ay inoo qabanayaan dadka shisheeye?

W/Q: Abdirahman Deik

10/10/2026

Waa sidee xaaladda caafimaad ee Sheekh Maxamed Cali Gadhle Maanta?

Dad badan ayaa ilaa maanta na soo weydiinayay xaaladda caafimaad ee Sheekh Maxamed Cali Gadhle oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka.

Sheekha oo aannu mardhoweyd la hadalnay ayaa noo sheegay inay jug xooggan ka gaadhay dhabarka iyo qoorta shalay. Wuxuu sheegay inuu ladan yahay, maantana dhakhtarka loo qaaday.

U soo Duceeya Sheekha in ilaahay Caafimaad Sareecana siiyo
W/Q: Abdiraxmaan Deik

10/10/2026

Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi oo ku ammaanay Sheekh Cabdiraxmaan Digle qiraa’adiisa cajiibka ah.

Xuquuqda muuqaalka: Salaam Studio.

10/09/2026

Sh. Maxamuud Damal oo si adag uga hadlay wiilasha iyo gabdhaha sheegta inay saaxiib yihiin, iyo dhaqanka xumada ku soo badanaysa bulshada muddooyinkii dambe.

10/09/2026

Galabta iyo Dooxii waynaa ee Hargeysa, maxaa looga faaideysan waayay Biyaha intaa leeg ee sanad walba maraya Dooxa wayn?

Want your business to be the top-listed Media Company in Fishers?
Click here to claim your Sponsored Listing.

Category

Telephone

Address


Fishers, IN
46038

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daaci TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Subscribe

We will notify you when anything happens in Fishers.