Somali Chess Tutorial
Soo dhowoow, boggan waxa aad ka baran doontaa cayaartii boqoradda ee Chess, rukumo oo ku xidhnoow.
Casharka 7aad: Qiimaha xubnaha chess (Chess Pieces Value).
Casharkan waxa aynu ku baranaynaa sida ay u kala muhiimsan xubnaha chess, ka bogasho wacan.
Casharka 5aad: Doc wareen, Dallacsiin iyo Kala wareeg (En Passent, Promotion and Castling)
Casharkan waxa aynu ku baranaynaa qaar ka mida xeerar ka mida cayaarta chessta oo ay tahay in uu qof kastaa ku baraarugo.
Daawasho wacan, la wadaag asxaabtaada.
Casharka 4aad: Gig iyo Giigtir (Check and Checkmate).
Casharkan waxa aynu ku baranaynaa sida loo weeraro boqorka, isla mar ahaantaana loo soo qabto. Boqorka si ka duwan xubnaha kale ayaa loo dilaa, marka casharkan waa casharkii aad taa ku fahmi lahayd, waxana la socda tusaalooyin aanu taa kugu fahamsiinayno.
Fadlan la wadaag saaxiibbadaa.
Casharkii 3aad: Sidee xubnaha Chess isu dilaan? (How Chess Pieces Cupture).
Casharkan waxa aad ku baranaysaa qaabka xoolaha jeestu isu dilaan, xool walba iyo midka uu cuni karo ayaa aynu kaga warramaynaa e, ka bogo.
Fadlan lasii wadaag saaxiibadaa.
Casharkii labaad: Sidee u guuraan ama u dhaqaaqaan xubnaha Chess? (How Chess Pieces Move).
Casharkan waxa aad ku baranaysaa habka iyo hannaanka ay u dhaqaaqaan xubnaha Chess, saraakiisha oo kala dhaqaaq duwan sidii ay bedka ugu socon lahaayeen ayaa aad fahankeeda helaysaa.
Fadlan lasii wadaag asxaabtaada.
Casharka 1aad: Sidee loo dhigaa bedka cayaarta Chess (Board Setup).
Casharkan waxa aad kaga boganaysa oo aad ku baranaysaa bedka chessta iyo qaabka loo dhigo xubnaha, godadkiisa iyo sida ay u kala baxaan iyo wixii bedka la xidhiidha.
Fadlan asxaabtaada lasii wadaag.
Asxaabta boggan ku xidhan aad baan idiin salaamayaa, muddo h**e ayaa iigu dambaysay inaan halkan kasoo hadlo, salaan ka dib gurigani guri shaqeeya ayuu noqonayaa waxana aan kusoo gudbin doonaa barashada cayaarta Chess, oo ah cayaar dadka waawayn iyo jilib culustu cayaarto, waa cayaar boqoradeed cilmi ah, siyaasad ah, fun iyo madadaalo ah oo maskax dhiska iyo carinta fekerkaba waxtar u ah.
Intii aan idinku dul keeni lahaa dadkii boggan ku xidhnaa, bal arrintaa ku baraarugsanaada.
Mudnaan.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Category
Contact the business
Telephone
Address
Bloomington
Minneapolis, MN
55454
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Somali Chess Tutorial posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.